Muqdisho(Hubaal) – Koox hubaysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku toogtay labo hablood oo macalimiin ahaa, kuwaasi oo dhawaan ka qallin-jabiyey jaamacadda SIMAD ee Magaaladaasi.
Labada hablood Waxaa lagu magacaabi jiray Fatxi Maxamuud Maxamed iyo Faadumo Maxamuud Cumar, waxayna Macalimiin ka ahaayeen xarun lagu hayo carruurta aan da’da waxbarashada gaadhin oo ku taalla degmada Dhargeenley ee Magaalada Muqdisho.
Ma jirta ilaa iyo hadda cid ka hadashay dilka labadaasi ruux oo laba nin oo mooto watay ay toogteen, xilli ay ku sii jeedeen xarunta ay ka shaqeynayeen. Laakiin Maamulka Jaamacaddii ay ka qallin-jabiyeen ee SIMAD ayaa Tacsi u diray ehelada ay ka baxeen labada hablood “Bahda Jaamacadda SIMAD waxa ay tacsi u dirayaan ehaladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen Fatxi Maxamuud Maxamed iyo Faadumo Maxamuud Cumar oo gacan ka gar daran ay ku dishay degmadda Dharkenley ee magaaladda Muqdishu, taariikhdu markay ahayd 02-11-2014.
(AUN) Fatxi iyo Faadumo waxay ahaayeen macalimiin labaduba ka qalinjebiyay Jaamacadda SIMAD waxayna ka tirsanaayeen class-ka BBA10. Waxaan Alle uga baryaynaa Janadii Fardowso in uu ka waraabiyo, eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeena uu ka siiyo samir”.