Laba Innama Qabato!!  W/Q Fouad Abdisalam

0
52

 

Shacabka Somaliland oo ah shacab maalinba maalinta ka danbeysa u sii Bislaanaya qaranimadda Somaliland, ayaa waxaa hagardaamo ku haya, dhabarkoodana ka weeraamaya arrimo ku noqon kara horumarkooda iyo dadaalkooda mid aan la intifaacsan.

Arrimahaasi waxay barbar ordayaan  hiigsiga iyo himiladda qaranimo buuxda oo taamo qaada, kuwaas oo khalkhal ku riday hanaanka iyo jidka aynu jeexanay, go’aansaneyna in aynu noqono qaran madax banana oo ictiraaf raadinaya, Waxaa Somaliland ka hano qaaday nidaamka asxaabta badan, kaas oo horseeday in lagu tartamo madaxtinimadda dalka, Dastuurka qarankana lagu ilaaliyo Jiritaankeena laguna kala baxo. Hadaba, Arrimahaas waxaa ka xusi karaa oo ka mid ah:

  1. A) Muranka Siyaasadeed oo Shakhsi Ku Macaash ah:

Mudooyinka danbe, halkii loo midoobi lahaa horumarka wadankan, cidii mideyn laheydna ay tahay madaxda shacabka metela ayaa waxaa somaliland ragaadiyey muran siyaasadeed oo leh waji ku macaash aan Jiho heysan, kaas oo maalinba shaadh loo xidhayo, laguna saleynayo hab aan waafaqsaneyn qaranimadeena, murankaas siyaasadeed kolba magac baa loola baxayaa waxaana ka mid ah, Muranka barlamaanka, muranka Kulmiye, Marna Muranka Xisbiyadda Mucaaridka ah.

Fouad AbdisalamMurankan siyaasadeed wuxuu ragaadiyey midnimada gudeed ee shacabka Somaliland oo dabaradda isku haya uu furfuray, kana dhigay qaar isku heysta cadow la mood aan cadow dhab ah aheyn, sidoo kale waxaa uu ragaadiyey horumarka dalka iyadoo hawl kasta oo la qabanayo siyaasiyiin dano gaar ahaaneed lahi ka faaideysanayaan, shacabka tusaan arrimo kale oo saameynteeda leh.

Waxaa iyana Ayaandarro ah in muran u dhaxeeya masuuliyiin loo doortay shaqo qaran oo shaqaalo ah ay hantidii umadda uga faaideystan in ay ugu dagaal galaan shakhsi kale oo han siyaasadeed isku hayaan, iyadoo malaayiin doolar ku lumeen maalmihii dhaweyd ee khilaafka kulmiye jiray , taasina ay aheyd cashuurihii shacabka laga soo ururiyey, shacabku uga fadhiyeen in wax qabad loogu bedalo, waxaa tusaale inoogu filan, Tartankii ciyaaraha goboladda oo qoondeysnaa in Hargeisa stadium ka qabsoomo in aanu dhicin, ubaxii iyo dhalinyaradii dalkuna iyagoo gobolo fogfog ka yimi lagu iloobay muran siyaasadeed oo faro madhnaan ku huleeleen, waxaana iyana hakad la qiro karo ku jira dhismihii wadooyinka dalka ee socday oo aan laba hadal heynin.

Waxa kale oo wax lala yaabo ah, inkastoo muranka siyaasadeed yahay wax dabiici ahi oo lagama maarmaan ah, Hadana, Xisbiyadda mucaaridka oo ay tahay in ay metelaan codka shacabka in muran han shakhsi ka kacay lagu kala dilo bulsho dhan oo aan waxba dhex oolin. Iyadoo mar walba oo muran siyaasadeed dhaco aynu ku weyno milgo iyo shafar shacabkani lahaa lunto, bulshaduna sii kala fogaato.

Waxaa marag ma doon ah, in muran siyaasadeed ka dhaco wadan kasta oo dunida jira, balse aanu dumin jiritaanka iyo qaranimadda qaran leeyahay, lagana faaido khibrad lagu saxo oo aan dib loogu dhicin, Waxaa haboon, in masuuliyiinta shacabka muxaafid iyo mucaaridba la horumariyo danta qaranka iyo bulshadda, dalkeenuna aanu u baahneyn wakhtigan muran joogto ah oo aaney shacabkeenu u bisleyn, wadadana ka leexin kara qaranimadeena hada uun socod baratay.

  1. B) Dimuqraadiyadda iyo Qabyaaladda aan isku qalmin:

Ka dib markii laga gudbay habkii beelaha ee xukuumadihii ugu horeysay lagu dhisay, waxaynu qaadanay Nidaamka asxaabta badan ee dumuqraadiya kaas oo maalinba marxalad marayay, shacabku soo fahmayeen oo lagu dhaqmayey.Balse waxaa garab yaala wali oo hagardaamo ku heysa, habkii aynu ka guurnay ee qabyaaladda ahaa, kaas oo si muuqda uga dhex shaqeynaya Habkeena maamul iyo xisbiyadeena qaran.

Sida uu dhigayo Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland  XUBINTA 2AAD , QODOBKA 8AAD , Faqradiisa koowaad iyo labaad ay xusayaan in

  1. Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman. 2. Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee 500 jireenka ah waa waajib Qaran.

Haddaba, waxa inoo muuqda in qodobo dastuuri ah aynan waafaqsaneyn waxaan markhaati cad u ah dhaqanada aynu caadeysanay ee dhinaca siyaasada, taas oo laga dhex fulinayo hayadihii ay aheyd in shacabka baraan waajibaadka dastuuriga ah.

Sidoo kale waxay taasi jideysa Qaab dhismeedka xukuumadaheena oo markhaati cad u tahay, tartanka murashaxnimadda kursiga madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen oo mar walba noqday in lagu saleeyo qaab beelaysan oo loo dhigayo Beesha dhexe iyo beelaha darafyadda. Iyadoo waliba beelaha darafyadda loo kala xaglinayo, taas oo ka dhigan ciyaar labada kooxood ee kama danbeysta imanaya la sii qoondeeyey.

Guntii iyo gabogabadii, Shacabka Somaliland ma qabato in dushooda subax walba lagu murmo oo masuulkii ay iyagu u doorteen hogaamintooda kaga mashquulo han gaar ahaneed, hana ogaadaan masuul kasta oo shacabka xil u haya in la xisaabin doono addunyaddan ama aakhiro, shacabka loogu adeego si hufnaan, cadaaladda iyo sinaan ku jirto. Bulshadana la baro in ay siman yihiin oo ay ka dheeraadaan qabyaaladda, xukunka dalkana higsigiisa loo maro hab ka fog tan maanta aynu ugu tartano.

Wabilahi Tawfiiq

Fouad Abdisalam

Fuad.salam@yahoo.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here