Shirkii Caaryaale saacadii loogu talo-galay ayuu dhacayaa..”hogaanka Jiidali ee Gobollada Bari
Sheikh (Hubaal)-Laba ka mid ah qabanqaabiyeyaasha Shirka Dhalinyarada Jiidali ee Degmada Sheikh ka dhacaya, ayaa Xalay Niskii dambe laga qabtay Magaalada Sheikh ee xarunta Degmada Taariikhiga ah ee Sheikh, sidaa waxa GNA u xaqiijiyey xubno ka mid ah hogaanka Gaboodka Jidali ee Gobolka Togdheer.
Bashiir Cumar Cilmi Qabille iyo Cabdirisaaq Maxamed Muuse oo kala ah Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Jidaali ee Degmada Sheikh, ayay Ciidamada Boolisku guryahooda kala soo baxeen saddexdii Habeennimo ee xalay, sida uu xaqiijiyey Maxamed Cabdi Diiriye oo ka mid ah hormuud qabanqaabiyeyaasha Shirka Dhalinyaradaas.
Labadan Nin, ayaa markii xalay la qabtay loo dhaadhiciyey dhinaca Magaalada Berbera, halkaasoo sida ay Wararku sheegayaan gelinkii dambee Maanta looga sii qaaday Xabsiga Mandheera.” Xabsiga Mandheera ayaa loo qaaday Galabta ayay yidhaahdeen xubno u hadlay Dhalinyarada Jiidali”.
Ma jiro wax war ah oo ku saabsan xadhiga labadan Nin oo ka soo baxay Laamaha ammaanka iyo xukuumadda toona, kaasoo faahfaahin ka bixinaya sababta loo taxaabay, hase-yeeshee hogaanka Dhalinyarada Jiidali ee Gobolka Togdheer oo GNA la hadlay, ayaa ku tilmaamay xadhigaasi mid sharci daro ah, oo aan sifo Dastuurka waafaqsan loo marin “iyadoo aan wax waar ah loo soo jarin, ayaa Gurigiisa laga soo qabtay Guddoomiyaha Degmada Sheikh ee jiidali, taasna waxaan u aragnaa arrin cabudhin ah” ayey yidhaahdeen.
Khaalid Jarmal, Aadan Cali Saalax, Cabdisamad Axmed Boon, Maxamed Cabdi Saxar diid, Faysal Xaaji, Maxamed Cabdi Diiriye oo loo yaqaano Jeex, oo dhamaantood la hadlay Warbaahinta GNA, ayaa daboolka ka qaaday inay si kulul u cambaareynayaan xadhiga labada xubnood ee laga xidhay, isla markaana ay sii wadayaan howsha qaban qaabada Shirka “Shirku saacadii loogu talo-galay ayuu dhacayaa, wax saameyn ah kuma yeelanayo qof iyo laba la xidhay, waanan cambaareynaynaa xadhiga labadaa Masuul” ayey ku dooddeen.
Dhalinyarada Jiidali, ee Gobollada Bari, ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay Shirweyne ay ku marti-qaadeen qaybaha Mucaaridka Somaliland, kuna tilmaameen mid ku salaysan isbedel-doon Selmi, kaasoo ay sheegeen in lagu qaban doono deegaanka Caaryaalle oo ka tirsan Degmada Sheikh.
Hore waxa Dhalinyarada la baxday Jiidali Hargeysa loogaga xidhay shan ka mida hogaanka sare ee guud oo muddo bil ka badan ku xidhnaa halkaas, kuwaasoo markii dambe xoriyadooda loo soo celiyey.
source:gobanimonews