Laba Kamid Ahaa Budh-Cad Baddeed Soomaali Ah Oo Toogasho Lagu Dilay

0
47

budhcad badeed

Garowe:(Hubaal)-Mid kamid ah saraakiisha waaxda la dagaallanka budh-cad badeeda u qaabilsan maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa xaqiijiyey in ciidamada caalamiga ah ee ilaalada baddu toogasho ku dileen Laba budhad badeed ah halka mid kalana ay dhaawaceen Sabtidii dorraad.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Axmed Cabdullaahi, ayaa sheegay in labada ruux ee la toogtay ka mid ahaayeen sagaal budhcad badeed ah kadib markii Markab kuwa ciidamada ah uu rasaas ku furay meel aan ka fogeyn gacanka cadmeed.

Lix kale oo ka mid ahaa budhcad badeeda ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen weerarka ciidamada caalamiga ah ee ilaalada badda.

Dadka deegaanka lagu magacaabo Durduri oo ka tirsan  xeebta durugsan ee gobolka Sanaag ayaa sheegay subaxnimadii shalay lagu arkay xeebta meydadka laba ruux kuwaas loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen budhcad badeeda.

Todobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa sare u kacayay dhaqdhaqaaqa kooxaha budhcad badeeda ah oo sanadihii ugu danbeeyay hoos u dhac weyn ku yimid weeraradii ay ku qaadi jireen maraakiibta

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here