Laba Qodob Oo Hal-Xidhaale Ku Ah Kulanka Farmaajo Iyo Afwerki Magaalada Asmara Ku Dhexmaray

0
14

Kulankan Oo Noqonaya Kii Saddexaad Ee Dhexmara Labada Hogaamiye,Waxa Uu Ku Soo Beegmay Xilli Ay Xiisada Bariga Dhexe Ee Iiraan Iyo Maraykanka U Dhaxaysaa Saameyn Ku Yeelatay Wadamada Kulaalla Badda Cas.

Hargeysa(Hubaal)-Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa kulan ku yeeshay shalay magaalada Asmara ee caasimada Dalka Eritrea. kulankan oo noqonaya kii saddexaad ee dhexmara labada hogaamiye, ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli ay xiisada Bariga dhexe ee Iiraan iyo Maraykanka u dhaxaysaa saameyn ku yeelatay wadamada kulaalla Badda cas.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Isaias Afwerki, ayaa kulankan kaga wada hadlay arrimo dhowr ah oo la xidhiidha iskaashiga labada dal, inkasta oo si kor ka xaadis ah looga hadlay arrimaha ay wadahadleen.

War-murtiyeed laga soo saaray kulanka labada hogaamiye oo lagu baahiyey Wakaalada Wararka ee Dawladda Soomaaliya ayaa lagu yidhi sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa booqday dalka Ereteriya muddadii u dhexaysay 10-ka ilaa 11-ka bisha Jannaayo ee 2020, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Mudane Isaias Afwerki.

Intii lagu gudajiray booqashada, labada Madaxweyne waxa ay yeesheen wadahadallo qotodheer oo ku aaddan xiriirka labada dhinac iyo arrimaha Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee labada dal.

Labada Madaxweyne waxa ay iyaga oo ku qanacsan isla qireen koboca ballaaran ee ku yimi iskaashiga labada dhinac laga soo bilaabo heshiiskii wadajirka ahaa ee ay kala saxiixdeen bishii July 29, 2018, kaasi oo ku qotomay saaxiibtinnimada iyo Iskaashiga loo dhan yahay.

Labada Madaxweyne waxa ay sidoo kale bogaadiyeen horumarka laga sameeyay iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Eriteriya iyo Itoobiya oo ku salaysan Heshiiskoodii Saddex-geesoodka ahaa ee bishii September, 2018.

Labada Madaxweyne waxa ay hoosta ka xarriiqeen in, ka sokoow caqabado iyo dhibaatooyin daba-dheeraaday, xaaladda gobolku ay tahay mid suurtagelinaysa in la helo iskaashi waara oo waxtar leh oo ka dhaca Geeska Afrika.

Madaxweyne Isaias iyo Madaxweyne Maxamed waxa ay mar labaad ballanqaadeen xoojinta dadaalkooda ku aaddan in la dardargeliyo Heshiiska Saddex-geesoodka ah iyo guud ahaan iskaashiga Gobolka.

Xaaladda Soomaaliya, labada Madaxweyne waxa ay bogaadiyeen horumarka la taaban karo ee la gaaray, iyaga oo isla markaana tilmaamay in dib u dhiska buuxa ee Soomaaliya aan weli la gaarin meeshii laga doonayay.

Tani waxa ay ugu horraynta u baahan tahay yagleelidda hay’ado dowladeed oo xooggan isla markaana wax-ku-ool ah sida hay’addaha difaaca iyo amniga, iyo sidoo kale dib u soo noolaynta dhaqaalaha dalka iyo kaabeyaasha bulsho.

Sidaasi si lamid ah, waxa ay isku afgarteen inay labo-laabaan dadaalka lagu xoojinayo madaxbannaanida, nabadgelyada iyo ammaanka Qaran ee Soomaaliya iyo in sare loo qaado horumarka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.

Labada Madaxweyne waxa ay dhammaan saaxiibbada Soomaaliya iyo Gobolka ugu baaqeen in ay taageeraan go’aanka Soomaaliya ee ku saabsan qorsheynta arrimaha hortabinta u leh iyo in ay xoojiso hay’adaheeda qaran iyo awooddeeda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi waxa uu Madaxweyne Isaias uga mahadceliyay martisoorkiisa iyo garab istaagga joogtada ah ee Ereteriya la garab joogto Soomaaliya.

Hal-xidhaalaha Farmaajo ee xidhiidhka Djibouti iyo Soomaaliya + arrimaha baddacas

Eritrea iyo Soomaaliya ma lahayn xidhiidh sidaas u qoto dheer oo ka hor heshiiskii dhex maray 2018-kii, waxaana taa bedelkeeda Soomaaliya gacan walaalnimo iyo iskaashi la lahayd Dalka Jibuuti oo ay colaad dhuleed u dhaxayso Eritrea.

Su’aasha ah Soomaaliya miyey goysay waxa ka dhexeeya Djibouti wali waa mid taagan, wallow aanay wax talaabo ah qaadin Djibouti oo ay sii wado taageeradii ay u fidinaysay Soomaaliya.

Qodobka kale ee isna hal-xidhaalaha ku ah Farmaajo ayaa ah in uu ka hadlo arrimaha badda cas, taasoo sida muuqata uu doonayo in uu saameyn ku yeesho diidmada Eritrea ee xullafada Ilaalada Baddacas.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo sida la saadaalinayo wada-xaajoodkani uu xidhiidh la leeyahay arrimaha baddacas ee ay khaliijka carabtu ku xaawilayaan dalalka gobolka, Soomaaliyana cidhiidhsanayso in ay door ku yeellato, halka Eritrea ay isku qancisay in ay tahay wadanka muhiimka u ah arrimaha nabad-gelyada Baddacas, ayaa waxa Madaxweyne Farmaajo hal-xidhaale ku ah sida uu maamulkiisu isu waafajinayo saaxiibtinimada labada Dal ee khilaafka gaamuray u dhexeeyo, haatanna isku haya arrimaha badda cas ee laga hadlayo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here