21.bishii Ocktober oo ahayd maalin Arbaca ah waxa dalkii la isku odhan Somaliya ka dhacay in qilaab milateri waxa ka mid ahaa meelihii uugu hor taageerey magaalada Hargeysa, mudo yar ka dib Abwaan Qaasim AHN ayaa soo maray meesha khayriyada loo yaqaan ee ku taala badhtamaha magaalada Hargeysa, halkaas oo damaashaad iyo sacab fara badani ka socodo, AHN Abwaan Qaasim ayaa yara dhegeystey wixii ay tirinayeen iyo heesihii lagu taageerayey kacaan kii meleteri ee in qilaabka samaysey, Abwaan Qaasim AHN ayaa isla goobtii isagoo taagan ka tiriyey gabayga la yidhaahdo Cirsan ka yeedh.
Waxaan kasii xusuustaa
Xidigahan casaadiyo
Dayaxan caadka lagu meershey
Caamadu waxay moodeysaa
Curasho deyreed
Maalintii Axmed Siilaanyo talada dalka la wareegey ee la damaashaadey ayaan xusuustay gabayga Cirsan ka yeedh, dhawr Sanadood ka dib ayuu hadana Abwaan Qaasim arkay inaanay weli dadku xoog u dareemin kacaanka meleteri iyo nidaamka ay wadaan ee keli taliska ah markaana AHN Abwaan Qaasim wuxuu tiriyey gabayga la yidhaahdo Saadaalo.
Waxaan isagana ka xusuustaa
Markii talada habro saarle iyo
Sibiyo loo dhiibey
Ayey sayn cadaa iyo wax garad
Sibiq dhaqaaqeen
Inta ay sidaa tahay
Nin gobii sooman ka ahaa
Saadaaladaa lagu gartaa
Sebenka caalwaa
Sabaalada ha moodeen
In loo sahanshey meel roon
Moorada salkeediyo
Xalaan sugay maluugtii
Sufurtaa madaw ee
dayaxa saaran baan garan
Dhiig buu sidaa
Waqalkan aad sagalka moodeen
Siigadaa dhacaysaa
Ragbay sababi doontaa
Maantana siciidoow
Wakhtigu saamaxaad male.
Waxaan uga socdaa anigu maalintii Axmed Siilaanyo talada qabsadyna waan sheegey in balaayo loo yeedhey maanta oo laba Sanadood oo bilaa sababa loo kordhiyeyna waxaan leeyahay dhiig buu sidaa Kordhiskan ay Sagalka moodeen.
Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro