Hab dhaqanka madaxtooyada ee labada musharax Muuse Biixi Cabdi & Maxamed Biixi Yoonis kolba mid aay ugu sacab tumayso, ma aha arin qurux badan. Waxaa xaqiiq ah oon qarsoonayn in madaxtooyadu marnaba abaalkuu u galay Muuse Biixi Cabdi iyo bartuu kasoo saaray inaanay ogayn.
Waxaa taa cadayn u ah isku daawashada aay isku daawanayaan labadan musharax ee ku kala taariikhda wayn xisbiga Kulmiye iyo halka aay ka taagantahay madaxtooyadu. Qof waloo damiir lihi waa fahmayaa in hadii in uun damiiri jiro inaan Muuse Biixi Cabdi gayn in lagu ciyaaro oo maalinba nin lagu soo ciyaar siiyo. Madaxtooyada waa la arkaa dhanka aay ka taagan tahay labada musharax oo ma aha wax qarsoon, hadii madaxtooyadu Muuse la socoto in mar hore mawqif kooda cadeeyaan ayay ahayd oo aay gartaan cida abaal iyo dheef kuleh.
Midaas madaxtooyadu waa ka indho saabatay, manay ahayn inay ka indho saabato ee waxaa looga baahna inay isu garab taagaan Muuse Biixi Cabdi siduu isugu garab taagay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) nasiib xumo lakiin may yeelin sidaa waana kuwaa aan dhinacna wali u kaxaayn Gudoomiyaha. Hadaba Muuse Biixi Cabdi maxaa isaga u banaan? Kow waxaa u banaan in uu garto inaanay jirin in wax kalgacayl la yidhaahdo oo madaxtooyada u yiil. Laba in aay nusqaan ku tahay in Maxamed Biixi Yoonis oo shalay dalka yimi kaga saamayn bato xisbiguu intaa hormoodka ka ahaa oo maanta kula loolamo. Sadex inaanu diidin loolanka musharaxnimada xisbiga gudihiisa. Afar inuu go’aan adag ka qaato madaxtooyada oo uu xisbiga iskaga tago ilayn abaal kuu galay waatan boqno gown intaas aay shirqoolka ugu jiraan isna aanu marnaba ax odhan yool kiisana hiigsanaayo.
Intaas markaynu ka nimaadno waxaa iyana jirta inuu Maxamed Biixi Yoonis isna aanu eegin barta aay dhigtay madaxtooyadu inadeerkii oo wax laga fisho iyo wax lagaga talo galo aanay lahayn madaxtooyadu una haboonayd inuu garab istaago Muuse Biixi, halka uu kala loolamayo. Isu tanaasulku waa muhiim waana gob caadadeed waxaana ayaan daro ah in laba nin oo waawayn iyadoo madaxweynihii musharax yahay hubku cidlo kaga sii dhamaado colaadna kala dhex dhigaan beesha Sacad Muuse ee ay kasoo jeedaan.
Madaxtooyadu laba wajiilayntan labada musharax aay kula socoto ma aha mid umada farax galinaya siiba dhalinta Sacad Muuse. Gari allay taqaan Muuse Biixi Cabdi siduu ugu dhintay xisbiga looguma abaal celin. Kursiga sharafta ayaa ka wayn labada musharaxna waxaan leeyahay magaca iyo sharaftaba noo dhowra xisbigan Kulmiye ku Gumownee iskaga dareera.
W/Q: ADEN DEEQ