Laba Wasaradood Oo Isku Maan-dhaafsan Qaxootiga Yemen Ka Imanaya Oo Xanuunno Halis ah Lagu Sheegay Oo Doodaha Labada Dhinaca

0
39

laba-agaasime

Hargeysa:(Hubaal)-wasaaradaha Caafimaadka iyo Dib-u-dejinta Somaliland, ayaa isku khilaafsan waxa laga yeelayo qaxootiga ka imanaya waddanka Yemen ee Somaliland imanaya, waxana ay middiba midda kale ku eedaysay inay iska qaadatay go’aan iyaga gaar u ah.

Wasaaradda Caafimaadka, ayaa shaaca ka qaadday in talo qaran lagu joojiyey guud ahaanba qaxootigii ka imanayey waddanka Yemen, waxana ay hoosta ka xarriiqday inaanay jiri doonin qaxooti dambe ee waddanka soo geli karaa, kadib markii cudurka daacuunka la sheegay inuu ka dillaacay dalka Yemen, balse waxa arrintaas kasoo horjeedsatay wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland oo tilmaamtay inaan wax joojin ahi jirin.

Ugu horrayn Agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee wasaaradda caafimaadka Md. Abiib Aadan Nuur,  ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta keentay in xukuumaddu joojiso qaxootiga ka imanaya dalka Yemen,“wasaaradda caafimaadku qaranka iyada ayaa masuul uga ah caafimaadka, sida laga wada qabana waxa muddadii ugu dambaysay kasoo baxay dalka yemen inuu ka jiro xanuunka daacuunku, taas oo ay caddaysay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO, wasaaradda caafimaadkuna iyada oo la shaqaynaysa laamaha kala duwan  iyo wasaaradaha kale ee ay khusayso waxa soo baxay in xanuunkaasi si fudud dalka ugu fidi karo, maadaama oo ay dad ka imanayaan,” ayuu yidhi agaasime Abiib Aadan Nuur.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu agaasime Abiib waxa uu intaas ku daray,“annaga oo ka duulayna shuruucda caalamka waxa go’aan lagu gaadhay in la joojiyo dadka ka imanaya Yemen, wasaaradda arrimaha gudaha, laanta socdaalka, Booliska iyo cid kasta oo ay khusayso waxa la isla gartay in la joojiyo, waana arrin qaran.”

Agaasimuhu waxa uu sheegay in talo qaranku gaadhay lagu joojiyey qaxootigii kai man jirey dalka Yemen, isla markaana aanay ahayn go’aan ay wasaaradda caafimaadku keligeed iska gaadhay,“Shirka wax aka qayb galay wasiirka wasaaradda caafimaadka, waxana uu la tashaday laamihiisii kala duwanaa ee wasaaradda Caafimaadka, shirka go’aanka lagu gaadhayeyna ma ahayn mid lagu gaadhay wasaaradda caafimaadka gudihiisee waa mid kasoo baxay madaxtooyada”ayuu yidhi Agaasime  Abiib Aadan Nuur.

Dhinaca kalena wasaaradda Dib u-dejinta Somaliland, ayaa ganafka ku dhufatay baaqa kasoo baxay dhiggeeda caafimaadka, waxana ay shaaca ka qaadday inaanay waxba kala soconin go’aanka lagu sheegay in xukuumaddu joojisay qaxootigii kai man jirey waddanka dagaalladu ragaadiyeen ee Yemen.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaas Md. Cabdinaasir Xaaji Daa’uud oo saxaafadda la hadlay, ayaa tilmaamay inaan arrinta qaxootiga lagu joojiyey lagala tashanin, isla-markaana ay hal bacaad lagu lisay noqdeen codsiyo ay wada-shaqayn kaga dalbadeen wasaaradda caafimaadka Somaliland ee haatan shaacisay in talo qaran lagu joojiyey soo galootigii Yemen ka imanayey, “wax la-tashi ah ama xidhiidh ah oo arrintaas nalagala soo sameeyey ma jirto, horena waanu uga codsanay wasiirka iyo agaasimaha guud inaanu ka wada shaqayno arrimahaas, markii ay arrimaha qaxootigu soo bilaabmayeen” ayuu yidhi Cabdinaasir Xaaji Daa’uud.

Khilaafka ba’an ee ka dhex taagan wasaaradaha Caafimaadka iyo Dib-u-dejinta, ayaa dibadda usoo baxay maalmo kadib markii Markab ay saaran yihiin boqolaal yemeniyiin ahi uu kusoo xidhay marsada Berbera, kaas oo toddobaadyo kadib dadkii saarnaa laga soo rogay.

Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, ayaa la hubaa inay waxoogaa dheef ah ka hesho ruqsado iyo waraaqo ay u samayso qaxootiga dalka ku sugan oo intooda ugu badani kasoo jeedaan dalalka Yemen iyo Ethiopia, kaas oo inta badan aan la aqoonin sida xisaabtiisa loo maamulo, waxana ay u muuqataa in doodoodu salka ku hayso arrin dhaqaale.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here