Hargeysa(Hubaal) -Warar hada naga soo gaadhay degmada xudun ee gobolka sool aya sheegaya in goordhawayd ay ku sumoobeen laba wiil oo walaalo ah xab-xab la dhigay beer ku taala deeganka xudun ee gobolka sool.
Waxaana labadan wiil ee walaalaha ah ay cuneen xab-xabkaa la sumeeyey, waxaana naloo sheegay in midkood dhintay halka kii kalena ay xaaladiisa caafimaad aad u liidato isla markaan sida nalo sheegay loola cararay cusbital ku yaala magaalada garoowe.
Xab-xabka la sumeeyey ayaa la sheegay in loo dhigay xayawaan ama bahalo dhibay beeralayd deegaankaasi waxana labada wiil oo wada socdaa ay soo galeen beerta isla markaana ay cuneen xab-xabkii.
Labadan wiil ee somoobay ayaa da’doodu ay kala ahayd 14-jir iyo 17-jir, waxaa goobtii ku dhintay wiilkii yaraa.