Labada Biixi, Muuse Ayaa Garta Leh. Q.1aad Iyo Qalinkii: Eng: Mustafe Haji Farah Warsame

0
38

Halkan waxaan doonayaa inaan aragtidayda shakhsiga ah ku dhiibto anigoo la kaashanaya maankayga ilaahayna ka baryaya inuu I waafajiyo sida saxda ah, waxaan doonayaa inaan fekerkayga ku darsado mawjada siyaasadeed eek a haraaciyeysa Somaliland siiba Xisbiga Kulmiye ee aynu nahay badideenu aynu siiba kala ahaanee, Waayo kulmiye wuxuu soo maray maraaxil kala duwan kuwaasoo kala ahaa wakhtigii Jibbada (mudadii ka horeysey intaan Rayaale kaga guulaysan xukunka), Wakhtigii Runta iyo Rajada (mudadii uu xukunka hayey Rayaale) iyo Wakhtigii Barwaaqo heeska ( Mudadan aynu ku jirno) , hadaba Kulmiyeynu wada nahay waxaa ka danbeysey kulmiyeynu kalanahay waxayna la kowsatay intii xukuumadu jirtay ee Kulmiye xukunka hayey waxaana batay dad aan kulmiye ahaan jirin laakiin aynu ku tilmaami karno hadhkayaac ama Dhidar onkod kiciyey oo sida roob la dhac uun xukunka dacalka qabsaday kuwaas oo aan wax qiimayn iyo qadarin u haynin Qaranimo laakiin ku dedaalaya inay siyaasada hanti ay urursadeeen oo awelba umadu lahayd ku muquuniyaan.Maxamed Biixi Iyo Muuse Biix

Intaa markaan ka gudbo dadka dusha la iskama saaro, Somaalidu waxay ku maahmaahdaa Samre ayaa Sadkii hela, Muuse Biixi Cabdi wuxuu muujiyey Samir iyo Dulqaad, wuxuu muujiyey odaynimo iyo tanaasul, wuxuu muujiyey deganaansho farabadan, wuxuu kasoo gudbay laylisyo badan oo siyaasadeed wuxuuna marayaa figtii u danbeysey, sidaas awgeed markaynu qiimeyno taariikhdiisa halganka, Dulqaadkiisa siyaasadeed & dareenkiisa wanaagsan ee hunguriga iyo calaaliska ka fayow waxaynu odhan karnaa Muuse biixi isagaa gar leh xaqna u leh inuu hanto hogaanka umada.

Hadaan inyar ka taabto Maxamed Biixi Yoonis anigoo aan odayga aad ugu sii fogaanayn Somaalidu waxay ku maahmaahdaa ninkaad kaba ka tolanayso kabihiisaa la eegaa, taas waxaan uga jeedaa Wasaarada uu madaxa u yahay ee arimaha debeda xaalkeeda waynu ka war haynaa, markaa hadaanu xaalku inaga ahayn Soomaalidu kay adhiga kala quusato ayey geela u dirsataa uma eka Maxamed Biixi inuu madaxtinimo doono ka sareysa Wasiirka Arimaha debeda laakiinse waxaa haboonayd inuu cagaha dhulka kusii xejiyo oo muuse taageero si uu si fiican raad dhaqaajis ugu noqdo Siyaasada oo uu wax badan uga barto Muuse biixi intii uu soo jabay inteedana lasoo rafto ayuun bay ku haboonaan lahayd inuu saaxada siyaasada ka dhex muuqdo. Laakiin ilama haboona hadaan kooyey hadana waa i kan isla markiiba.

Allaa mahad leh.

Eng: Mustafe Haji Farah Warsame

Mustafefarah8@yahoo.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here