Labo Qof Oo Ku Dhintay Weerarka Dhismaha Baarlamaanka UK

0
43

weerar ka dhacay baarlamaanka uk

labo qof ayaa ku dhimatay 10 kalana way ku dhaawacmeen weerar ka dhacay badhtamaha London oo ay boolisku ku sheegeen inuu ahaa fal argagixiso. Gaadhi ayaa si ula kac ah loo jiidhsiiyay ugu yaraan 12 ruux oo marayay buundada Westminster ee agagaarka dhismaha baarlamaanka UK oo gebi ahaantiisba hadda la xidhay. haweenay ayaa u dhimatay dhaawicii soo gaadhay. Qof ka soo dagay gaadhigaaasi ayaa tooreey ku weeraray askari booliis ah oo taagnaa dibedda dhismaha baarlamaanka. Askeriga ayaa meesha ku geeriyooday. waxaa markiiba ninkaasi toogtay booliis hubaysan. Gawaadhida gurmadka degdegga ah ayaa gaadhay goobta uu shilku ka dhacay.

Ra’iisalwasaaraha Britain Theresa May, ayaa loo sii qaaday goob ammaan ah markii rasaasta la maqlay.

Ilo ayaa BBC-da u sheegay in aanay dhacdadan la xidhiidhin iyada. Kulankii baarlamaankanana ayaa la hakiyay.

Waxaa jira warar sheegaya in rasaas laga maqlay dibedda baarlamaanka UK. Wararka ayaa sheegaya in dhismaha baarlamaanka ee Westminster gebi ahanatiisba la xidhay. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawcmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xidho boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.

Booliska magaalada London ayaa sheegay in weerarka baarlamaanka London ay ula macaamalayaan inuu yahay mid argagixiso ilaa iyo inta ay ka helayaan ‘war kaa ka duwan’.

Xigasho: bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here