Lacag dhan 215,000 oo dollar oo loo balan qaaday cida macluumaad ka keenta Maxamed Kunno oo ah ninkii ka dambeeyay weerarkii lagu hoobtay ee Garrisa

0
36

Kenya(Hubaal)-Dowladda Kenya ayaa u aqoonsatay Maxamed Kunno oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo lagu eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka danbaysay weerarkii lagu qaaday jaamacadda magaalada Gaarisa.

Maxamed Kunno wantedMagaciisa rasmiga ah ee Xarakada ayaa lagu sheegay inuu yahay Maxamed Dul-yadeeyn, waxaana dowladdu ay madaxiisa dul dhigtay lacag gaaraysa $215,000 oo dollar oo ruuxii soo sheega macluumaad la xiriira qabashadiisa la siinayo.

Dulayaddin ayaa maamule mar ka soo noday iskuul lagu barto culuumta islaamka oo ku yaalla magaalada Gaarisa ka hor intii uusan ku biirin ururka Xisbulah oo markii danbe la midoobay ururka Al-shabaab.

Dowladda Kenya ayaa u haysata Mohamed in uu ka danbeeyay weerarro kala duwan oo ka dhacay gudaha Kenya oo u ku jiro weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday jaamacadda Gaarisa.

Waxaa dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ay sheegeen in Kunno uu degmada Gaarisa ka ahaa caan, isla markaana hadda uu yahay xubin firfircoon oo ka tirsan ururka Al-shabab qaybtooda ka howl-gala Jubbaland iyo xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wasiirka arimaha gudaha dalka, Kenya Joseph Nkaiserry ayaa sheegay in weerarkii Gaarisa lagu dilay dad gaaraya 147-riix oo ay ku jiraan afar kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday ,waxaana ciidanka Kenya ay howl-galkan soo afjareen habeenamadii xalay kaddib dagaal muddo saacado ah socday oo labada dhinac ku dhexmaray dhismaha jaamacadda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here