Somaliland Oo Xidhatay Gabi Ahaanba Xuduudaheeda Dhulka Ee Ay La Leedahay Dalalka Itoobiya, Jabuuti Iyo Soomaaliya
Akhri War-saxaafadeed xambaarsan go’aanno oo ay Guddiga Ka hor-tagga COVID-19 soo saareen shalay
Hargeysa-(Hubaal)- Sukuumadda Somaliland ayaa shaacisey in gabi ahaanba la xidhay xaduudka dhulka ee Somaliland la leedahay dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya.
Sidaasina waxa lagu sheegay war-saxaafadeed xambaarsan go’aanno muhiim ah oo ay shalay soo saareen Guddida heer qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland u xil-saartay u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka COVID19,, kaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hubaal waxaanu u qornaa sidan:-
“Waxa la xidhay dhammaan xadka dhulka ah ee Somaliland ay la leedahay dalalka ITOOBIYA, DJIBUTI IYO SOOMAALIYA muddo 3 toddobaad ah, laga bilaabo 26th March 2020, 06:00 PM, waxa kaliya oo ka soo gudbi kara waxyaaabaha daruuriga ah sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo Agabyada kala duwan ee caafimaadka iyo Baddeecadaha Ganacsiga.”