Tafiir Go’ Ku Soo Fool Leh Libaaxyada Uu Cali waran-cadde Ku dhaqdo Hargeysa Iyo Ninka Qaabilsan Carbintooda Oo Ka Jawaabay Habeenno Magaallada Lagu Soo Daayo
Hargeysa (Hubaal) – Mubaarik Ibraahin oo ah ninka gacanta ku haya 7-da libaax ee Hargeysa lagu carbiyo ee uu iska leeyahay Cali Waran Cadde, ayaa ka war bixiyey xaaladda ay ku sugan yihiin libaaxyadaasi, waxaanuu sheegay in ay hadda gaadheen todobada libaax.
Carbiyaha Libaaxyadan Mubaarik Ibraahin oo u waramay Barnaamijka Socdaalka Camerada ee Somnewstv, ayaa waxa uu sheegay in ay libaaxyadaasi halis ugu jiraan in ay tafiir go’aan sababo la xidhiidha nimankii ama Aararkii oo batay iyo hal gool ah oo ka dhexaysa lixda aar, waxaanuu sheegay in loo baahan yahay in gool kale loo doono haddii kale ay halis ugu jiraan in ay madhaan.
Mubaarik Ibraahin oo ka hadlaya arrintaasi waxa uu yidhi “Aniga ayaa rabeeya Libaaxyada Hargeysa waxa weeyaan todoba Libaax oo kala ah Lix Aar Iyo hal Gool ah halkan ayaa lagu rabeeyaa mar walba waa la ilaaliyaa oo hilib ayaa la siiyaa Biyona wa la siiyaa, aniga waba ima yeelanayaa oo xerada waan ugu gala waan ka soo xaadhaa wax walba imana cunayaan aniga ayaa soo koriyey,shebegyada ay ku xaraysan yihiin meel waxa ku jira laba Aar, Meel kalena Laba Aar meelna Laba Aar iyo goosha oo ah ii wada dhashay waxaba, gooshaasina waa tii waxaba wada dhashay oo waxa ay sii jiri kartaa illaa 20 sanno oo kale, gool way dhashaaye way ka jintaan aarka ayuunbaa soo hadha, waxa ay ku dhashaa laba ama sadex mataanood, markiiba hal gool ayaa la socota wanay iska dhimataa oo aarrarka ayuunbaa soo hadha, wuxuba markaa wa wada aar keligeed ayuunbaa ka gool ah, haddii aan gool kale loo helinna way madhanayaan libaaxyadu markaa waa in gool loogu doonaa xaggaa Itoobiya haddii kale halis ayey ku jirtaa in ay sii noolaadaan waana tafiir go’ayaan, qaabka uu wax u dilo Libaaxu waxa weeyaan waa Bisadda oo kale oo haddii la sii daayo inta uu wax soo qabo is leeyahay ee uu ku ciyaarayo ayuu ku dhegeyaa oo uu cunayaa “
Rabeeyaha Libaaxyadan Mubaarik Ibraahin oo wax laga waydiiyey in ay jirto wararka habeenada qaar sheegaya in la sii daayey libaaxyada ee magaaladu ka baqdo waxa uu kaga jawaabay “Arrinta ay dadku yidhaahdaan waa la doonayaayey libaaxii Cali Waran Cadde waxa la yidhi qofka maalintii bisad arkay habeenkii libaaxbuu moodaaye, haddii ay habeenkii dadku wax cas cas arkaanba way yaacayaan oo waa libaax ayey odhanayaan, dadka waxaan u sheegayaa in aan la sii daynin Libaaxa Cali Waran Cadde oo ay sil salad ku wada xidhan yihiin, haddii ay jabsadaanna waa la soo qabtaa oo markaana waa la soo celiyaa” ayuu yidhi Mr Mubaarik Ibraahin.