Waxay Si Fool Adag Ugu Warrameen Guddida Joogtada ee Guurtida
“Qalabka Aanu Keenay Bu’da Isha & Wajiga Ayuu Sawirayaa, Oo Bu’ Kasta Warbixinteeda Ilbidhiqsiyo [Gudahood Ayuu] Kusoo Gudbinayaa”-Guddoomiyaha KDQ
************************
“Annagoo Arrin Xaasaasi Ah Ka Hadlayna Ayaanu Qadarin Aanu Idiin Hayno Idiinku Nimi…. Diiwaangelintu Waa Noo Diyaar Oo Wey Naga Go’an Tahaye Waxoogaa Tijaabo Ah Baanu Ku Jirnaa” –Afhayeenka KDQ
Hargeysa (Hubaal)-Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida siiyey warbixin kooban oo salka ku haysa arrimaha Doorashooyinka iyo diiwaangelinta ee ay gacanta ku hayaan, waxana ay tilmaameen inay Hawlahaasi meel fiican u marayaan. Kulan ay Xagga Komishanka kasoo xaadireen Guddoomiyaha iyo Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo kali ahi, ayaa lagu weydiiyey su’aalo tiro badan oo salka ku haya Hawlaha xaasaasiga ah ee ay qaranka u hayaan, waxana ay Jawaabo ka bixiyeen Dhammaanba su’aalihii halkaasi lagu weydiiyey. Xubnahan Komishanka Doorashooyinka ka socday, ayaa ku adkaystay in Arrinta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo shacabku si weyn u sugayaan Dhawaan bilaabmi doonto, isla-markaana ay gebogebo tahay tijaabo ay sheegeen inay ku hayaan agabka loogu talo galay in lagu sawirro dadka Kaadhadhka Codbixinta qaadan doona. Ugu horrayn Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Md Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo ka Hadlay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo habacsanaanta ka muuqata, ayaa ku adkaystay inay Diiwaangelinta dhawaan bilaabo doonaan, balse waxa uu diiday inuu wakhti cayiman oo qorshaha ugu jira sheego, “diiwaangelinta Dhakhsaanu u gelaynaa, Doorashadan Bisha March 2017-ka ayaa noo qorshaysan inay dalka ka dhacdo. Qalabkii diiwaangelinta lagu gelayeyna wuu noo yaalla oo wuu noosoo dhammaaday, qalab casri ah oo habaysan ayaanu haysannaa mana dhici doonto diiwaangelin laba goor la galaa sababtoo ah qalabka aanu keenay ugu horrayn Bu’da isha ayuu sawirayaa iyo waliba Wajiga, waxana uu awood u leeyahay inuu Bu’ kasta oo uu sawirro Ilbidhiqsiyo warbixinteeda kusoo gudbiyo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan. Intaas kadib waxa warbixinta la wareegay Afhayeenka Guddida Doorashooyinka Md Siciid Cali Muuse, waxana uu tilmaamay in Diiwaangelintu tahay mid ka dhibaato badan Doorashada, waxana uu yidhi, “Annagoo Shir muhiim ah, arrin xaasaasi ah ka hadlayna ayaanu qadarin aanu idiin hayno idiinku nimi, sida guddoomiyuhu idiin sheegayna Hawshu waa socotay, maalin qudhana isma taagin. Waana idinkii ogaayoo maalintii aanu cayinnay weydinkii ka daba yimi ee aad laasheen maxkmadduna waa tii go’aan gaadhay, doorashada diiwaangelintaa ka horraysa kana dhib badan.” Siciid Cali Muuse waxa uu sheegay in Diiwaangelinta iyo doorashaduba sanadkan ka dhici doonaan Meelo aanay hore uga dhici jirin, waxana uu ku adkaystay inay arrintaasi ka go’an tahay Guddi ahaan,“diiwaangelintu sanadkan meelo aanay hore uga dhicin bay tegi doontaa hadhawna doorashadu ka dhici doontaa hawshaas fulinteeduna waa naga go’an tahay, diiwaangelintuna waa noo diyaare waxoogaa tijaabo ah baanu ku jirnaa oo xagga qalabka la xidhiidha.” Ayuu yidhi Siciid Cali Muuse.
Falanqaynta Qalinka Hubaal Iyo Lifaaqa Lingaxan ee Qaddiyadan
Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa u muuqda qaar aan khibrad iyo awood midna u lahayn arrimaha Baaxadda leh ee horyaalla, kuwaas oo ay ugu mudan tahay Arrinta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo fure u ah inay dalka ka dhacdo Doorasho xalaal ahi. Caqabadaha ugu waaweyn ee haysta Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland marka laga yimaaddo gaabiska ku jira Arrimaha ay gacanta ku hayaan, ayaa waxa ugu weyn shacabka oo aan haba yaraatee wax xog ah ka haysan sida ay Diiwaangelintu dhici doonto iyo waxyaabaha looga baahan yahay, waxana arrintaas si toos ah uga gaabiyey xubnaha Komishanka oo go’aansaday in dadku galaan Diiwaangelin aanay waxba ka aqoonin. Ilaa iyo haatan lama hayo hal tallaabo ay komishankani u qaadeen dhinaca horumarka marka laga yimaaddo wararka ay baahiyaan ee la xidhiidha inay agab lasoo degeen, waxa ay ku jiraan Mashquul aan kala go’ lahayn oo bilaa natiijo ah. Sidoo kale waxa meesha kasii baxaysa kalsoonida Asxaabta qaranku ku qabaan shaqada Guddidan calaamatu su’aashu saaran tahay, waxana madaxweynaha qaranka looga baahan yahay inuu wax iska weydiiyo shaqada xubnahani bulshada u hayaan oo habacsanaan badani dusha ka saaran tahay.