Liibiya Oo Ku Raad-joogta 205 ‘Magafeyaal’ Ah

0
47

Dowladda Liibiya ayaa soo saartay warqad lagu soo xidhayo dad gaadhaya 205 qof oo la sheegay in ay ka shaqeeyaan tahriibinta dadka muhaajiriinta, kuwaas oo ay Soomaalida u taqaan “Magafe”.

Shabakadan wax tahriibisa ayaa lagu eedeeyay jirdil, kufsi, dil iyo tahriibin, waxayna ka koobanyihiin muqalasiin, saraakiil amni, madaxda xerooyinka lagu hayo dadka soogalootiga ah iyo waliba saraakiil ka tirsan safaaradaha Afrikaanka ah ee dalkaas ku sugan.

Warqada waxa ay kasoo baxday xafiiska xeer illaaliyaha guud ee dalkaa Sadiiq Al Suur, kaas oo sameeyay baaritaan dheer oo arrintan ku aaddan.

Waxa uu sheegay in xafiiskiisa uu ogaaday in xidhiidh toos ah uu ka dhaxeeyo shabakadan iyo kooxda Daacish.

Liibiya ayaa ku jirta xaalad qalalaaso tan iyo sanadkii 2011-kii, xilligaas oo la dilay hoggaamiyihii dalkaa Mucamar Al Qadaafi.

Sanad kasta kumanaan qof oo tahriib ah ayaa ka dhoofa xeebaha dalkaas, kuwaas oo isku biimeeya doomo dabcaan ah si ay u gaadhaan qaarada Yurub, balse badankooda waxa ay ku haftaan badda.

Dadkaas waxaa ka mid ah Soomaali badan oo qaarkood ay wali ku dhibaateysanyihiin dalka Liibiya, halkaas oo loogu heysto qaab rakaato ah.

Dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaar ka mid ah dadkaas Soomaaliyeed kasoo celisay Liibiya, waxaase la fahamsanyahay in uusan wali istaagin tahriibka.

Horaan waxaa soo baxay warar sheegaya in dadka xitaa lagu kala iibsado suuq adoonsi ah, iyada oo dadka qaarkood lagu fasho beeraha sida lagu sheegay warbixino kusoo baxay qalabka warbaahinta adduunka qaarkiis.

Waxa ay noqonaysaa talaabadii koowaad oo ay Liibiya ka qaado dadka wax tahriibiya.

Xigasho: BBC

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here