Liiska Magacyada Iyo Beelaha Ay Kasoo Jeedaan 26-ka Wasiir Ee Xukuumadda Shalay Muqdisho Lagaga Dhawaaqay Iyo Saamiga Somaliland La Siiyey Oo Wejiyo Cusub U Badan

0
102

Gudaha Ka Akhri Saamiga ay Heleen Dhammaanba Beelaha La Hoos Keeno Nidaamka 4.5-ka oo Halbeegga Wax Lagu Qaybsaday

 

Lix Kamid ah Golaha Wasiirrada Iyo Ra’isal wasaare Ku-xigeenka Oo Dhammaantood Somalilannd Kasoo Jeeda Iyo Beelaha Ay Ku Abtirsadaan

golaha-wasiirada-740x400

Hargeysa:(Hubaal)-Ra’isal wasaaraha cusub ee dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya Md. Xasan Cali Kheyrre, ayaa muddo bil ku dhaw oo uu magacownaa kadib shalay shaaca ka qaaday xubnaha golihiisa wasiirrada cusub oo ay ku jiraan xubno kasoo jeeda Somaliland oo xilal muhiim ah loo dhiibay.

Golaha wasiirrada oo intooda badan ka yimi golaha Baarlamaanka Soomaaliya, isla-markaana intooda wasiirrada buuxa ah tiradoodu tahay 26-wasiir iyo Ra’isal wasaare ku-xigeen, ayaa u badan wejiyo cusub, balse waxa xusid mudan inay soo noqdeen wejiyo hore uga tirsanaan jirey xukuumaddii hore wallow aanay tiro ahaan badnayn.

Xubnaha Somaliland ku abtirsada ee xukuumaddan ku jira, ayaa waxa ugu shilis Ra’isal wasaare ku-xigeen aan xil wasiirnimo wadanin iyo shan wasiir oo midkooda maaliyadda oo gobolka Awdal kasoo jeedaa ugu cuddoon yahay.

Wargeyska Hubaal, ayaa waxa uu akhristeyaashiisa la wadaagayaa magacyada, 26-ka wasiir iyo ra’isal wasaare-ku-xigeenka iyo weliba beelaha ay dhammaantood kasoo jeedaan, waxana ay kala yihiin sidatan hoos ku qoran:

 1-  Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare kuxigeen, Isaaq, Cidagale

2- Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Arrimaha Gudaha, ( Majeerteen , Ciise Maxmuud)

3- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda, (Hawiye, Habargidr, Ceyr)

4- C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda, ( Godo-Biirse)

5- C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka, (Laylkasce)

6- Amb. Jamaal Hassan Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga, (Daarood, Warsangeli.

7- Maryan Aweys Wasiirka Dekedaha, (Beesha Jareer Weyne, Shiidle)

8- Eng. Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka Boostada, isgaadhsiinta iyo Tiknoolijiyada, (Baadi Cadde)

9- Maxamed C/llaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka,( Ogaadeyn, Cawlyahan)

10- Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Isaaq, Habar Jeclo)

11- Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo isboortiga, (Yaxar)

12- Cabaas Siraaji Wasiirka Howlaha Guud, (Midhifle Hubeer)

13- Maryan Qaasim Wasiirka Arrimaha Gargaarka, (Beesha Shanaad, Reer Xamar)

14- Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka, (Dir, Surre)

15- C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka, ( Dhulbahante)

16- Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha, ( Abgaal , Harti , Obokar )

17- Eng. C/raxmaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta, (Hawiye, Abgaal, Wacbuudhan, Daa’uud)

18- C/rashiid C/llaahi Wasiirka Gaashaandhigga, ( Midhifle / Leysaan)

19- Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, wasiirka wabarashada iyo tacliinta sare, (Xawaadle)

20) Dr. Iimaan C/llaahi Cali, wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta, (Hadamo)

21) Xildhibaan Shiikh Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, (Dir, Biyamaal)

22) Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha, Beesha Shanaad, (Carab Saalax),

23) Dr. Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, (Gaaljecel)

24) Xil. Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed , Wasiirka Macdanta iyo Batroolka , (Gendershe)

25) Xildhibaan Prof. Saalaim Caliyow Ibrow, Wasiirka Korontada iyo Biyaha, (Digil, Jiido)

26) AVV. Xasan Xuseen Xaaji, Wasiirka Cadaaladda, (Garre)

27) Xildhibsan Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Shaqad iyo Shaqaalaha, (Isaaq, Habar Yoonis).

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here