Daqiiqaddii 11add Waxa Xulka Jarmalka Goolka Koowaad U dheliyey Ciyaaryahanka Thomas Mueller. Haddana Daqiiqaddii 23aad waxa goolka 2aad u dheliyey Miroslav Klose, goolka 3aad waxa haddana daqiiqadii 24aad u dheliyey Toni Kroos. laba daqiiqo kadib daqiiqaddii 26aad waxa uu hadanna isla Toni Karoos dhaliyey goolkii 4aad.
Daqiiqaddii 29aad waxa goolka Shanaad dhaliyey Sami Khedira, waxaana ciyaartu haafkeeda hore ku dhammaatay 0-5, ay Jarmalku leeyihiin shan gool.
Dhinaca kale Weeraryahanka Jarmalka Miroslav Klose ayaa jabiyay rikoodhka gooldhalinta taariikhda Koobka Adduunka ka dib markii uu goolkiisii 16aad ee Koobka Adduun ka dhaliyay Brazil kulanka semi-finalka ee haatan socda.
36 jirkan Lazio u ciyaara ayaa dhaliyay goolkii labaad ee wadankiisa ee kulanka Belo Horizonte ka socda iyadoo natiijada ciyaartaas ay haatan mareyso 5-0 oo ay Jarmalka ku ceebeysanayaan Brazil.
Waxa uu barbaro la ahaa weeraryahankii hore ee Brazil Ronaldo ka dib markii uu Klose gool ka dhaliyay Ghana isla Koobkaan Adduun.
Klose waa ciyaaryahanka kaliya ee seddexaad ee taariikhda Koobka Adduunka oo gool ka dhaliya afar Koob Adduun oo kala duwan.
23ka kulan ee uu saftay Koobka Adduunka ayaa sidoo kale ka dhigeysa xiddiga seddexaad ee ugu safashada badan taariikhda.
Klose ayaa ah sidoo kale gooldhaliyaha ugu sareeya xulka Jarmalka isagoo dhaliyay 71 gool 135 kulan uu u saftay, wadankiisana lagama badinin kulan uu gool u dhaliyay.
Daqiiqaddii 69aad ayaa haddana waxaa goolkii 6aad dhaliyey ciyaryahanka Andre Schuerrle oo hal daqiiqo uun ciyaarta ku jiray iyada oo daqiiqadii 68aad lagu beddelay Mr. Klose. Haddana TobaN Daqiiqo kadib waxa uu daqiiqadii 79aad dhaliyay Goolkii Toddobaad
Shanta Ciyaaryahan Ee Ugu Goolasha Badan Taariikhda Koobka Adduunka.
- Miroslav Klose Oo U Dhashay Germany, waxaanu dhashaday 16 gool, isaga oo ciyaaray 23 kulan oo koobka adduunka ah oo kala ah 2002, 2006, 2010, 2014
- Ronaldo, oo u dhashay Brazil, waxa uu dhaliyey 15, isaga oo saftay 19 kuland 1998, 2002, 2006
- Gerd Muller oo udhshay West Germany, waxa uu leeyahay 14 gool, waxaanu saftay 13 kulan, oo kala ah 1970, 1974.
- Just Fontaine, waxa uu u dhashay France, waxanu dhaliyey 13 gool, isaga oo safta y 6 kulan oo kala ah 1958.
- Pele , Brazil, 12, 14 kulan, 1958, 1962, 1966, 1970.