Hargeysa, (Hubaal) —Kal-fadhigii 33aad ee Golaha Sare ee Dalladda Heer Qaran ee urrurada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Hoolka Shirarka ee dalladda SONYO ayaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo ay ku xardhan yihiin nuxurka 6 qodob oo muhiimad ballaadhan u leh guud ahaan dhallinyarada Somaliland. Kal-fadhigan oo Xubnaha Golaha sare Afartii biloodba mar yeeshaan waxa ka soo qayb gala dhammaan Xubnaha, Xildhibaanadda Golaha sare ee Gbollada waxaana inta uu socdo lagaga doodaa xaallada dalku hadba halka ay marayso iyo qorshayaasha la filayo mustaqbalka. War murtiyeed kasoo baxay xarunta dallada SONYO oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha dallada SONYO Md. Cabdicasiis Siciid Saallax waxaa uu u dhignaa sidan :
- Goluhu Waxa uu gudida doorashooyinkaqaranka Somaliland Ku Hambalyaynayaa hanaankii quruxda badnaa ee kaadh qaadashadda doorashadda inagu soo foolka leh .Sidoo kale waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan muwaadiniita Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan dhalinyarada JSL Kaalintii firfircoonayd ee ay ka qaateen habsami u socodkii wacyigelinta muwaaadiniinta iyo kaadh qadashada intaba.
- Goluhu wuxuu ku baaqayaa hanaan doorasho oo xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta si gaar ahna waxa uu u ka codsanayaa saddexda Xisbi Qaran ee UCID,KULMIYE iyo WADANI in ay ka fogaadaan wax kasta oo khatar ku ah habsami u socodka doorashadda,wadajirka ummadda iyo ammaanka siiba wakhtiga loo qoondeeyay ololaha doorashada.
- Goluhu wuxuu si buuxda u taageerayaa heshiiska nabadeed ee laga gaadhay khilaafkii dhex maray beelaha walaalaha ee Degmadda Ceel Afweyn iyo adkaynta nabadgalyadda.
- Goluhu waxaa uu u mahad celinayaa Garbyada Dhalinyarada ee ASXAABTA Qaranka qaabka Wada-shaqayneed ee iyaga iyo Dallada SONYO,
- Goluhu wuxuu soo saaray qorshaha Magacaabista guddiyo dhalinyaro oo la soco doona Anshaxa doorashada Madaxtooyada oo ka qabsoomi doonta Dalka 13/11/2017 Haddii Alle yidha.
- Ugu Dambayn Goluhu wuxuu ku baaqayaa Kobcinta iyo kor u qaadista adeegyadda Dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland oo la iska kaashado Dawlad iyo Shiibba gar ahaan Ganacsatadda.
Allaa Mahad Leh
Guul iyo Gobannimo
Cabdicasiis Siciid Saalax
Guddoomiyaha Dalladda Heer Qaran ee Ururrada Dhallinyarada Somaliland