Ugu yaraan lix ruux ayaa ku dhintay siddeed kalena way ku dhaawacantay rasaas lagu furay masaajid ku yaalla magaalada Quebec ee dalka Kanada.
Rasaasta ayaa lagu furay Xarunta Dhaqanka Islaamka ee Quebec habeenimadii Axadda halkaas oo ay jameecaad ku tukanayeen salaad, booliiska ayaana xaqiijiyay geerida dadkaas, iyaga oo ula dhaqmaya sidii weerar argagixiso.
Booliiska magaalada Quebec ayaa sheegay in ay xidheen labo ruux waxayna sheegeen in ay rumaysan yihiin in aanu jirin qof kale oo weerarkaas xidhiidh la lahaa oo baxsad ku maqan. Booliisku waxay sheegeen in goobtaasi ay ammaan tahay oo xaaladdu dagan tahay, ayna masaajidka ka soo daad gureeyeen dad badan oo badqaba.
Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in aanay jirin faahfaahin ku saabsan dadka la qabtay ayna baadhitaannadu hadda uun billawdeen. Mar sii horaysayna ra’iisalwasaaraha ayaa weerarka ku tilmaamay mid “argagixiso”.
Wuxuu intaas ku daray in uu aad uga naxay, ugana carooday markii uu maqlay weerarkaas.
Qof goobjooge ah mar sii horaysay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in saddex ruux oo hubaysan ay ka qaybqaateen weerarkan, isla wakaaladduna waxay ku warantay in ay masaajidka galeen booliis hubaysan oo aad u yaqaana xeeladaysiga.
Dilkaas ayaa ka dhacay masaajidkan oo ku yaala chemin Sainte-Foy, oo ka mid ah labo masaajid oo ay gacanta ku haysto Xarunta Islaamka.
Xigasho: bbc