Waxay Ahayd Goor Duhur Yoome Yoome Ah Cadceedu Ay Ay Taagan Tahay Dhul Badhaha Waa Maalinta La Sheego In Ay Igu Kulushay Geeska Dhididka Iga Dhacayaa Waxa Uu Qooyay Shaadhkayga Kaaga Darantee Waa Meel Suuq Badhtankii Ah Oo Dadku Is Dhaaf Dhaafayaan Meeshaas Waxa Ku Yaala Makhaayado Dhowr Ah Waxaana Goobtan Inta Badan Aan Ku Dhaafi Jiray Hablo Darbi Jiif Ah Ama Afka Qalaad Lagu Yidhaah (Street Children) Dushooda Madawga Iyo Qayirka Ku Dhacay Waad Yaabaysaa Intooda Badan Waxay Xidhan Yihiin Garaaman Ku Raga Ah Hablahan Cawradaha Waxay Halkaas Ku Cabaan Maandooriyaha Xabagta Iyo Balwadaha Kale Hablahan Yar Yari Way Yartahay Intaan Uur Lahayn Ama Aan Nuujinayn Waan Ka Damqan Jiray Maalin Walba Oon Soo Maro Waayo Waa Cawrado Waa Gabdho Diinteenuna Waxay Ina Fartay In Dumarka La Ilaaliyo Iyaga Oo Lagu Masaalo Ubaxa Oo Kale Oo Hadii Ubuha Ay Fara Faraynta Iyo Dhaxanta ,Cadceeduba Ku Dhacaana Uu Qaadho Iyada Oo Ay Sidaas Tahay Ayaa Waxaan Kula Kulmay Maalin Maalmaha Ka Mid Ah Inan Yar Oon Dadeeda Ku Qiyaasay 15_16 Waxay U Dhalatay Quruxda Ilaah Bixiyo Waxayna Kaga Dartay Dhererka Iyo Jooga Yartaa Yari Way Qaylinaysaa Oo Sida Giraanta Ayay Wareegaysaa Markii Aan Maqlay Dhawaqaa Qaylada Yeedhaysa Ayaan Dib U Jaleecay Meel Halkaas Ah Mise Waa Gabadhan Yar Ee Sii Jeeda Oo Xanuunka Foosha La Qaylinasa Ala Dhib Badanaa Waanad Garanaysaan Xanuunkaas Markii Aan Waydiiyay Dadkii Meesha Ku Sugnaa Oo Dumar U Badnaa Waxay Xanaanadan Dhexe U Dhaw U Geyn Wayeen Waxayna Inan Yar Oo Meesha Taagnayd Ii Sheegtay In Ay Soo Diideen Oo Ay Yidhaahdeen Kama Umulinayno Gebayguba Dareenkaygii Waa Is Bedelay Waxaana Mar Qudha Jidhiidhi Cooday Oo Aan Sawirtay Uun Kuwa Madaxda Wadanka U Ah Oo Dumarkoodu Ku Umalaan Wadamada Dibada Oo Waxaas Oo Lacag Lagu Khasaariyo Inantaas Yarina Ay Qarka U Saaran Tahay In Ay Dhimato Inaalilah Goormay Umadan Naxariistii Ka Dhimataay Iska Daa Islaame Gaalka Yuhuudiga Ayaan Sidaas Ugu Tumanay Xuquuqda Ibnu Adaamka Arintanu Waxay Ugu Noqotay Fajici Iyo Amakaag Aniga Oo Dhaygag Iyo Anfariirsan Waxna U Qaban Karin Ayaan Qalbi Xanuunka Kala Dhaqaaqay Hadaba Suaasha Qalbigayga Is Weydiinayaa Mar Walba Tolow Mayay Kala Timi Iyada Oo Nabada Ma Dhimatay Mise Way Nooshay ?
Qalinkii Samatar Wayab
Candidate Bachelor International Relation ,Ahna Saxafi Qoraa Ah
Hargeisa Somaliland