Ma dhab baa Hay’adda Hallo Trust Inay Hargeysa ku tababarayso Askar ka tirsan Puntland?

0
22

Hargeysa(Hubaal) Ilo wareed Muhiim ay ayaa Waaheen u sheegay in Hay’adda Miino saarka Hallo Trust ay Hargeysa Tababar ugu hayso 17 Askari oo ka mid ah Daraawiishta Puntland, kuwaas oo qayb ka noqon doona 90 Askari oo loo tababari doonoMiino saarka deegaanada Gobolka Sanaag Barri.

Warkan ayaa sheegaya in Hay’adda Miino saarka Hallo Trust ay kal xidhiidhay Deegaanada ay Ciidanka ka qoranayso Badhasaabka Puntland u jooga Badhan kaasoo uu amar ku siiyey Suldaanka Guud ee Sudaan Siciid C/salaam inay la shaqeeyaan, waxaanu isna usoo xulay sida warku sheegayo illaa todoba iyo toban xubnood oo ka tirsan Ciidanka Puntland u jooga Badhan.Dadka la tababarayo oo Hargeysa ku sugan waxa ka mid ah Kaaliyaha Maxkamadda Sare ee Puntland oo la yidhaahdo Axmed Cali Xarbi iyo Wiil uu dhalay Badhasaabka Puntland u jooga Badhan oo la yidhaa Xamse Maxamed Ismaaciil Ciyoon.
ma dhabaa
Warkan oo aanu ka helnay qaar ka mid ah Madax dhaqameedka Gobolkaasi waxa uu sheegayaa in uu deegaanka ka abuuray khilaaf, iyagoo ku dooday in dadkii taageersanaa Somaliland aan lagu soo darin dadka loo soo xulay tababarka Hallo Trust bixinayso.

xigasho: Waaheen

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here