Ma Dhab-baa Hotel-kii Qaranka Ee HARGEYSA CLUB In Qurus Ahaan Loogu Qorsheeyey Cismaan Buur-madow &Nin Qurbe-joog Ah Oo Suldaan Bariga Burco Ah Dilaal U Yahay?
Ma Dhab-baa Hotel-kii Qaranka Ee HARGEYSA CLUB In Qurus Ahaan Loogu Qorsheeyey Cismaan Buur-madow Oo La Wareegi Doona, Loona Qoondeeyey In Uu Magac Cusub Loogu Wanqalo+ Akhri: Warbixin Daba-gal Ku Samaysay Shir-saddex Geesood Ah Oo Madaxtooyada Ka Dhacay Iyo Qorshahan Oo Ay Shuraako Ku Yihiin Nin Qurbe-joog Ah, Wasiir Xukuumadda Saamayn Ku Leh Iyo Boqor Cismaan, Kaasi Oo Laysku Af-gartay In Hotelka Dib Loo Furo Isaga Oo Magac cusub Wata
.
Hargaysa (Horweyn)-Shabakadda wararka ee Qurbejoog,com ayaa degelkeeda wararka ku daabacday War-bixin Sir Ah oo Ku saabsan Qorshe ay Madaxtooyada Somaliland Ku damacsan tahay in Hotel-ka Dawladdu leedahay ee Hargeysa Club Oo Sanadihii u dembeeyeyba albaabadu U xidhnaayeen,Waqti Xaadirkan dib loo furo, Isaga oo ka madax banaan Dawladda, isla markaana ay maamulkiisa iyo mulkiyaddiisa la wareegaan Saddex Mas’uul oo Qaarkood Xukuumadda Ka mid yihiin.