Hargeysa (Hubaal)- Iyadoo madaxweyne Axmed Siilaanyo shalay u dhoofay dalka Ingiriiska, ayaa waxa la sheegay ka hor dhoofkiisii inuu xili habeenimo ah ku qabsoomay xarunta Madaxtooyada kulan ay ka qayb galeen Madaxweynaha iyo badi xubnaha golaha wasiiradda kaga jira beelaha bariga Burco iyo woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa. Sidaana waxa tibaaxay warar uu wargeyska Ogaal ka helay illo wargaleen ah.
Siday Illahaasi tibaaxeen shirkaa waxa kale oo ka qayb galay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo xildhibaan ka tirsan golaha wakiiladda oo ka soo jeeda bariga Burco, isla markaana xubnaha Golaha Wasiirada kaga jira labada beelood dhamaantood kamay qayb gelin, balse waxay ilahaasi tibaaxeen in badidoodu ka qayb gashay. Kulankaas waxa la sheegay inuu furay Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana siday illahaasi tibaaxeen madaxweynuhu wuxuu u sheegay dhinacyadaa in aanuu isu taagaynin doorasho oo uu ka hadhayo tartanka madaxtinimada. Illahaasi waxay intaa ku dareen, in madaxweynuhu uu ka hadlay sidii loo soo celin lahaa xulafkii iyo is gaashaan buuraysigii labadaa beellood, beesha uu ka soo jeedana uu u muujiyay in looga fadhiyo inay ka abaal celiso wixii hore, lana badhi taro oo la dhiso murashax ka soo jeeda beesha woqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa, balse muu tilmaamin qofka uu dhisi doonaa ka uu yahay.
Inkasta oo aanay jirin warar si toos ah u xaqiijiyay jiritaanka shirkaa iyo waxa lagaga wada hadlay, hadana, siday illahaasi tibaaxeen, waxa isna kulankaa ka hadlay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi. Waxaanuu gudoomiyaha nuxurka hadalkiisa ka mid ahaa oo siday xogahaasi iftiimiyeen uu ku dhawaaqay, in haatan marka la eego waqtiga aanay suuragal ahayn doorashadu, sidaa darteed mudo kordhin la sameeyo. Hase yeeshee siday sheegeen, wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis ayaa ku tiraabay, in aanay caalamku aqbalaynin wax mudo kordhin ah ee loo baahanyay inay doorasho dhacdo. Laakiin siday xogahaa uu wargeyska Ogaal soo xigtay iftiimiyeen hadalkaa Wasiirka amuuraha dibada looma guuxin, doodna lagama sii gelin. Hase ahaatee waxay xogahaasi sheegeen in Wasiir Samaale jawaab ahaan ugu tiraabay, in aanay jirin wax u diidaya mudo kordhintu.
Illahaasi siday sheegeen gunaanadkii kulankaa waxa lagu kala tegay, in laga wada shaqeeyo sidii loo soo noolayn lahaa is garabsigii labada beellood ee loogu soo celin lahaa sidiisii hore. Illahaasi siday muujiyeen kulankaa kamuu qayb galin madaxweyne ku xigeenku, mana cada inuu isna ka hadhi doono tartanka iyo in kale, maadaama madaxweynaha ay xilka wadaaga ku yihiin laga soo sheegayo in aanuu ordi doonin. Sidoo kale ma cada in is ogaal iyo isa wargelin amuurtan la xidhiidhaa hore u jirtay oo ay heshiis ku yihiin. Dhanka kale hadii dhawaaqani sidaa u jiro, waa mid dib u soo noollaynaya niyada hogaamiyaha Kulmiye Muuse Biixi, isla markaana waa mid dib u soo noolaynaya khilaaf huursan oo in mudo ah buste qoyani saaraa oo hore uga dhex qarxay Muuse iyo Wasiirka Maaliyada oo isna hore u cadeeyay inuu yahay murashax u taagan jagada madaxweynenimada marka madaxweyne siilaanyo uu ka hadho tartanka. Sidoo kale warar laysla dhexmarayo oo aan weli runta jiritaankoodu cadayn ayaa Iyana iftiiminaya, in wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi laftiisu uu hunguraynayo murashaxnimada madaxweynaha.
Sidaa daraadeed, dadka siyaasadda falan qeeya ama jimeeyaa, waxay rumaysan yihiin in madaxweyne Siilaanyo sadexda midkood uu raacsan yahay oo uu taageeri doono. Hase ahaatee, kulankaa iyo sirtiisa iyo xaqiiqada falanqaynta kaleba waxa la dhawrayaa mustaqbalka dhaw oo la filan karo, inay soo dibad baxaan cadaymaha iyo xogtiisa oo buuxdaa.
HALKAN GUJI Si aad uga sii bogoto warkan oo faahfaahsan