Ma dhab baa In Madaxweyne Siilaanyo Iyo Hor-joogaha Garabkii Cirka Loo Calaamadiyey Ee Xukuumadda Iska Casilay ay Is Laab Xaadheen?

0
181

Maxaa La Gudboon  Garabkii Jar-iska-xoorey, Saamayn Noocee Ah Ayayse Arrintani Ku Yeelan Kartaa?

Kulan La Isugu Soo Dhaweeyey Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wasiirkii Fallaagoobay Ee Madaxtooyada Oo Ka Qabsoomay Qasriga Iyo Raalli-gelin Uu Madaxweynaha Kaga Shaafiyey Aaminsanaanta Aragtidiisii Uu Hore Ugu Gacan Saydhay Odaygaxirsi_siilaan

Hargaysa (Hubaal) – Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan , ayaa la sheegay inay iskugu yimaadeen kulan   saacaddo   qaatay, waxaanna kulankaas aad loogu lafo-guray waxyaabihii ay ku kala fogaadeen, isla markaanna sababta u ahaa innuu Wasiirka Madaxtooyaddu uu Xilkaas ka tago.

Ma Jiro war kasoo baxay labada dhinac midkoodna hase yeeshee sida aanu kasoo xiganay Hadhwanaagnews.com oo xalay warkan ku daabacday degelkeeda waxaa la weriyey in Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo iyo Wasiirkiisii  hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan ay wada yeesheen  kulan lagu lafo guray waxyaabihii sababay kala fogaanshaha siyaasadeed ee labada dhinac kadib markii uu Madaxweynaha Somaliland garab istaagay  Guddoomiyaha Xisbiga kULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo markaas loollan adag ugu jirey jagadda Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaas, waxaanna aragtiddaa Madaxweynaha  ka biyo diidday Wasiirkii hore  Madaxtooyadda Xirsi  Cali X. Xasan oo isagu aragti ahaan aaminsannaa aragti kaduwan midda madaxweynaha  sida uu dhawr jeer Warbaahinta u sheegay, balse waxa uu ka mid ahaa Xubno u olalaynnaayay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo u ordaayay murashaxa jagadda Madaxweynaha ee Xisbigaas, hase yeeshee Wasiir Xirsi markii ay dhinaca Madaxweynaha uga muuqan wayday inaanu raali ka ahayn Saaxad lagu tartamo, waxa uu go’aansadday innuu Xilka wasiirnimo iska casilo, iyaddoo ay Wasiir kale oo badanna go’aankaas la qaateen oo ay mar qudha is wada casileen.

Warku waxa uu intaas ku daray in kulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Mr. Xirsi  ay ka soo shaqeeyeen Xubno ka midda beesha ay ka soo jeeddaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Xirsiba, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyey  isaga dab-qaaddaayay labadda dhinac-ba sidii ay iskugu soo dhawayn lahaayeen, isla markaanna isku soo hor fadhiisin lahaayeen Madaxweynaha iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda oo  ahaa qofka ugu dhaw Madaxweynaha Somailand Axmed Siilaanyo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan ayaa la sheegay inay kulankaas aad iskugu soo dhawaaddeen, waxaanna wararka ay HWN shaacisay ee  kulankaas la xidhiidhaa ay  sheegayaan in Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Mr. Xirsi loo ballan-qaaday jagadda Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland, kadib marka uu xilkaas banneeyo Guddoomiyaha xilkaas haya Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal), oo la sheegay innuu qorshaynnaayo sidii uu banayn lahaa booskaa Guurtida, balse inta aannu Xilkaas bannayn waxa uu Qorshuhu yahay in Md Xirsi uu ka mid noqdo Xubnaha golaha guurtida Somaliland. Kulankan ayaa imanaya xilli ay dibad meeryihiin xubnihii hubsiimo la;aantu qaaday ee golaha xukuumadda ka tirsanaa kuwaas oo aragtid ahaan la safnaa ama la odhan karo waxaa ay waabeyda ka qaadanayeen wasiirkan, hadda soo noqday., kaasi oo aan wax hadal ah laga maqal tan iyo markii uu xilka wareejiyey dhawaan oo uu shaaciyey inaan wax hadal ah laga maqli doonin dhinaciisa oo aanu dhaliili doonin madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, isaga oo dhinaca kalena ugu baaqay asxaabtiisa in aan la naqdiyin madaxweyne siilaanyo iyo golaha ay hore uga tirsanaayeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here