XOG MUHIIM AH: Kulan Dhex Maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Odayaal reer AWDAL Ah Iyo Xubno Marwo Luul Xasan Mataan Ku Jirto Oo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Loo Magacaabi Doono
Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la weriyey in uu Maalmaha Innagu soo fool leh seefta kula dhex dhici doono golihiisa xukuumadda. Isku-shaandhayntan oo saamayn doonta golaha wasiirrada, hay’addaha madaxa banaan, Agaasimayaasha guud iyo weliba maareeyayaasha xarumaha dawliga ah ayaa la sheegay in qaarkood laysku beddelayo, qaar daaqadda laga saarayo, halka wejiyo cusubna lagu ay ku soo biiri doonaan.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca madaxtooyada, hase yeeshee Warar madax banaan oo uu HUBAAL Media Helay ayaa tibaaxay in isku shaandhaynta doorkani ay salka ku hayso sababo gaar ah oo sanadihii u dembeeyey xukuumadda ladh ku hayay, kuwaas oo ay ugu muhiim san tahay xiisadda ka aloosan gobollada galbeedka Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal oo tabashooyin is biirsaday ka tirsanaya Saamiga Madaxweynuhu ka siiyey Xukuumaddiisa.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dib u eegistan la weriyey in Madaxweynuhu ka caydhin doono xubno jagooyin muhiim ah ka haya xukuumaddiisa, isla markaana uu wejiyo cusub oo ay hoggaanka dhaqanka ee Awdal soo xusheen u magacaabi doono wasiirro, wasiir ku xigeeno iyo xilal kale kuwaas oo la sheegay inay tiro ahaan iyo talo ahaanba ku iman doonaan rabitaanka shacbiga gobolkaas.
Sida uu HUBAAL Media Warka ku helay arrintan ayaa ka dembeysay kadib markii Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Siilaanyo iyo wasiirro ka soo jeeda Awdal ay ka soo laabteen socdaal xaalad-dejin ah oo ay maalmihii la soo dhaafay ugu maqnaayeen Boorama. Wasiir waran Cadde oo hor kacaya odayaal wakiil ka ah Bulshada Boorama ayaa shalay markuu soo laabtay Waxa uu qasriga madaxtooyada geeyey Natiiijaddii uu ka siday Socdaalkaas iyo xubnihii uu hor kacayay waxaana ay madaxweynaha farta ka saareen warbixin biyo kama dhibcaan ah oo ka ka turjumaysa xaallada gobolku ku sugan yahay iyo saluuga ay ka qabaan saami qaybsiga xukuumaddiisa.
Kulankaas oo shalay ka qabsoomay xafiiska Madaxweynaha ayaa warku tibaaxay in odayaashu ugu bandhigeen qorshahood iyo rabitaankooda, kuwaas oo madaxweynuhu ka gudoomay dalabkooda una ballan qaaday in uu wax badan oo la taaban karo ka qaban doono una magacaabi doono Wasiirro uu qaarkood u magacaabo wasaarado muhiim ah, halka kuwo kale oo ay ka mid tahay Marwo Luul Xasan Mataan oo ahayd Madaxii xarunta derbi-jiifka Hargeysa ee Xukuumaddu Inqilaabtay kal hore u magacaabi doono Wasiir. Isaga oo ku beddeli doono wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamuud Garaad.
Kulankaasi oo is afgarad ku dhammaaday ayaa markii laga soo dareeray ay odayaashii gobolku isla shalay galab-ba u carraabeen dhinaca Boorama. Warka isku shaandhaynta waxaa sheegay in madaxweynuhu ku soo beegi doono maalmaha u horeeya ee sanadkan curtay xalay [2015], Marwo luul Xasan Mataan oo ah aqoon yahannad kas oo jeedda gobolka Awdal in bandanna lagu yaqaano u samo falka dadka ugu nugul bulshada ayaa sida laga war qabo waxa ay xukuumaddu ka faro maroojisay xarun ay iyadu aasaastay oo lagu xanaaneeyo caruurta derbi diifka ah oo Hargeysa ku taalladay, taas oo dawladdu la wareegtay, halka ay iyadana xabsiga u taxaabtay, balse toddobaad markii ay xidhnayd xorriyadeeda loo soo celiyey.
HUBAAL MEDIA NETWORK
Hargeysa, Office