“Saraakiil uu shaqada ka fadhiisiyey ayaa sheegay in uu u cuskaday xidhiidho ay la sameeyeen Marwada koowaad ee Qaranka Aamina Maxamuud Diiriye (Aamina-weris) iyo Guddoomiyaha KULMIYE ahna Musharrax Madaxweynaha xisbigaas Muuse Biixi Cabdi”
Hargeysa (Hubaal) – Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro), ayaa hay’adda uu Qaranka masuulka uga yahay ka bilaabay dhaqdhaaqyo uu saraakiisheeda sifo aan sharci ahayn ugu kala daadinayo
Taliye Cambaro oo bishii September ee sannadkan shaqada ka fadhiisiyey ku-xigeenkiisii isagoo kaashanaya Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ilaa hadda sii wada hawl-galka uu laanta socdaalka kaga sifeynayo Saraakiisha caanka ah laantaasi, isagoo qaarkood sifo aan sharci ahayn uga beddelay Xarunta taliska Laanta Socdaalka.
Gaashaanle Cambaro oo la sheegay inuu gacan-saar la lahaa Wasiirradii Xukuumadda iska casilay kuwoodii ugu awoodda badnaa, ayaa shaqaalaha iyo Saraakiisha uu qaarkood shaqada ka fadhiisiyey ku soo beddelay ilaa 10 qof oo la wariyey in aanay ehel u ahayn shaqada waaxda socdaalka.
Lama oga sababta uu Saraakiisha iyo Askarta kale ee laanta socdaalka u kala fogeynayo, laakiin ilo-wareedyo ku dhow ayaa laga soo xigtay inuu jiro qorshe uu si qarsoodi ah u wado kaas oo uu ugu adeegayo cid gaar ah, taas oo keentay inuu il-gaar ah ku eego Saraakiisha ugu firfircoon Laanta socdaalka, isagoo ka cabsi qaba inay ogaadaan oo ay ku war-geliyaan Masuuliyiinta sar-sare ee Qaranka Somaliland.
Dhanka kale, warar laga soo xigtay Saraakiil uu shaqada ka fadhiisiyey qaarkood ayaa sheegaya in shaqo ka fadhiisintooda uu u cuskaday inay xidhiidho la sameeyeen Marwada koowaad ee Qaranka Aamina Maxamuud Diiriye (Aamina-weris) iyo Guddoomiyaha KULMIYE ee dhawaan loo doortay Musharraxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, inkasta oo la garanayn waxa uu u diidayo in Saraakiishu la xidhiidhaan Marwada iyo Muuse Biixi.
Taliye ku-xigeenkii Laanta socdaalka Somaliland Sablaale, ayaa la rumaysan inay Taliye Cambaro isku khilaafeen Musuqmaasuq iyo Hanti lunsi baahsan oo uu ku kacay Gaashaanle Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro), taasi oo sababtay inuu shaqada ka fadhiisiyo si aanu mar dambe hawlihiisa gaarka ah u daba-gelin.