Ma Dhab-baa In Wasiir Cukuse Uu Saaka Dacwad Cadho Ku Lammaan Tahay  Kula Kallahay Shirkii Wasiirrada, Madaxweynahana  Uu Gaadhsiiyey Ash-kato Ka Dhan Ah Laba Wasiir? DAAWO SAWIRRADA

0
35

HUBAAL KA  AKHRI:  Wasiir Cabdillaahi waxa La Weriyey Inuu Ka Cadhooday   Weriyayaasha UNIVERSAL TV iyo BALLIGUBADLE MEDIA Ee Xorriyaddooda Dib Loogu Celiyey, Kuwaas Oo Sii Deyntooda UU U Aaneeyey Wasiirro Dhiggiisa Ah Oo Labada Suxufi Ay Isku Hayb Yihiin

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa la sheegay in uu si xoog ah uga cadhooday sii daynta labadii wariye ee Baligubadle iyo Universal ee u xidhnaa Xukuumadda Somaliland.

 Wasiir Cukuse ayaa la sheegay in uu saaka ka qayb galay shirkii Golaha Wasiiradda isagoo ku Eedaynaya qaar ka mid ah wasiiradda ay ka wada tirsan yihiin Xukuumadda, kuwaas oo la sheegay inay labada wariye qaab qabiil ku sii daayeen.

Wasiir Cukuse ayaa la sheegay in uu ka cadhooday kadib markii mid ka mid ah labada wariye gaar ahaan ka telefishanka UNVERSAL uu ugu tagay xafiiska wasiirka isagoo sheegay in uu ku jees jeesay, taasoo ku abuurtay cadho xoogan wasiir Cukuse kadib markii uu u sheegay inaanu haysan karayn.

CUKUSSE-tileWasiir Cukuse ayaa la sheegay in uu qaar ka mid ah wasiiradda ay ka soo kala jeedaan labada wariye Beelahoodu u aaneeyey inay ku Lug lahaayeen sii dayntooda, waxaana la sheegay Wasiiradda uu tuhmayey in uu ka mid ahaa Wasiirka Duulistu, kaasoo warar hoose sheegeen in uu ka dhaartay Wasiirkana ka qanciyey sii daynta wiilkaasi.

Ma cada Ashkatada arrintan Wasiir Cukuse in uu gaadhsiiyey Madaxweynaha, In uu ka samray iyo in uu wali ku jiro baadhista cida dhabta ah ee sii daysay labadan wariye oo midna lagu eedaynayey khalkhal galin Umadeed iyo warar been abuur ahaa oo uu ka faafiyey Caafimaadka Madaxweynaha iyo Mareeg Madaxweyne ku-xigeenku leeyahay oo uu sheegay in uu warka ka soo xigtay Iyo ka Universal oo ku Eedaysnaa in uu barnaamijyo laga mamnuucay in uu Somaliland ka duubo jabiyey oo uu Fanaaniinta Xidigaha Geeska ka duubtay.

Si kasta ha ahaatee Wasiir Cukuse ayaa lagu soo waramayaa in aanu sii daynta labadan Wiil ee ka shaqeeya Universal iyo Baligubadle waxba kala socon, isla markaana aan lagala tashan.

Halkan Guji Si Aad Warkan Oo Faahfaahsan U Akhrido

maxamed Caabi DIGAALE-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here