Ma Dhab Baa In Wasiir Xirsi Uu Saaxiibaddii Kaga Daba Tegayo Caro-Sawaaxilli?

0
37

Hargeysa  (Hubaal)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali xaaji Xasan ayaa la filayaa in uu dhawaan u baqoolo  magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kiiniya oo ay ku sugan yihiin laba wasiir oo ka tirsanaan jiray xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo balse markii dembe is casilay.

xirsiMa jiro war rasmi ah oo ka soo baxay safarka wasiirka Madaxtooyada hase yeeshee  ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska HUBAAL Xalay u sheegay in maalmaha soo socda uu wasiirku u ambo bixi doono magaalada Nairobi halkaas oo uu kulmi doono wasiirkii hore ee Maalliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo  wasiirkii hore ee warshadaha Abiib Diiriye Nuur [Timo-cad] oo iyagu dhawaan  halkaas kula kulmay masuuliyiin ka socda safaaradda Maraykanku ku leedahay Nairobi.

Ilo wareedyadu ma jiraan wax faahfaahin ah oo ku xidhiidhinayaan ujeedada ka dembeysa safarka wasiirku ku tegayo Nairobi hase yeeshee  waxa ay tibaaxeen in labada masuul ee ka tirsaan jiray xukuumadda oo toddobaadkan Kulan la yeeshay ku xigeenka ergayga Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Brain H Phips ay kawada hadleen xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo dib u dhaca ku yimi doorashada, taas oo sababtay in ay u cuntami weyday dhinaca Maraykanka, isla markaana uu ergaygani ka codsaday labadan wasiir inay kacaawiyaan kulan uu la yeesho wasiirka Madaxtooyada oo uu ku tilmaamay shakhsi saamayn ku leh hoggaaminta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo isla markaan ay labadooda [Samaale iyo Abiib] Saaxiib dhaw ahaayeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here