Hargeysa (Hubaal)-Xildhibanada Bariga iyo Koonfurta Hargeysa oo ay weheliyaan xubno kasoo jeeda Xaafadaha kale ee Caasimada Hargeysa ayaa maalmihii ina dhaafay qabanqaabinaayey Mooshin Xilka lagaga Xayuuninaayo Maayar Kuxigeenka Caasimada Hargeysa Md. Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo ay ku eedeeyeen inuu ka gaabiyey xilkii uu Golahooda deegaanka iyo Ummadda Caasimada ku nool ba u hayey
Xildhibaanadan oo shirarkii ugu danbeeyey ku lahaa shalay ilaa caawa Guri kuyaala bariga Magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inay go’aankii ugu danbeeyey caawa fiidkii ku qaateen sidii ay salaanka uga tuuri lahaayeen Cabdicasiis Cagaweyne oo isaga laftiisu kasoo jeeda deegankan Bariga iyo Koonfurta Hargeysa ee ay u badan yihiin Xildhibaanadan Mooshinka ku qaadayaa
Dhinaca kale ayaa waxa ay wararku tibaaxayaan in tirada Xildhibaanada Mooshinka wadaa ay gaadhayso 18 Xildhibaan kuwaasoo ay wararku xuseen inay aad uga cadhoodeen ka dib markii Maayar Kuxigeenka Caasimadu ku sifoobay Musuqmaasuq iyo xil gudasho la’aan baahsan oo saamaysay xilkii uu goluhu Qaranka u hayey
Eedaha ay Xildhibaanadani dusha usaarayaan Maayar Kuxigeenka Caasimada Mr. Cagaweyne ayaa waxa ka mida inuu lunsaday lacago dhawra iyo dhul badan oo danguuda isla markaasina uu Xaafada Masalaha uu ka dhisanaayo guri weyn oo fooq ah oo dhawr dabaq ah kaas oo ay ku baxayso lacag ka badan 500,000$ shan boqol oo kun oo dolar oo Xoolihii ummadda ah
Eedaha Xildhibaanada ayaa sidoo kale la sheegay inay kamid yihiin, Maayar Kuxigeenku ku fashilmay doorkiisa hogaamineed ee golaha isagoo isla markaasi ay ku eedeeyeen inuu ku sifoobay kala qaybinta bulshada wada dhalatay ee Caasimada ku wada nool oo ay sheegeen inuu eex iyo qabyaalad baahsan kula dhexjiro
Isku soo wada duuboo mooshinkan istaadhmay oo maalmihii ugu danbeeyey si weyn looga dareemaayey guud ahaan magaalada Hargeysa iyadoo isla markaasina la filaayo inay seeftu qaado Maayar Kuxigeenka maadaama oo ay Mooshinkan wataan Xildhibaanadii isaga beeshiisa kasoo jeeday ee hore difaaca ugu ahaan jiray