MA DHAB BAA IN Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ay Mulkiilaha Horn-Cable Tv U Dirtay Odayaal Beeshiisa Ah

0
31

Mulkiilaha Horn Cable TV, Farxaan Xaaji Cali, oo maalmahanba Xukuumadda Axmed Siilaanyo tooshka ku shidayey ayaa masuuliiyiinta qasriga madaxtooyadu ay Maanta oo ah 1dii October 2014 ku go’aansadeen in loo diro salaadiin kasoo jeeda beesha Subeer Awal si uu xukuumadda uga yareeyo ololaha uu ku hayo.

Horn Cable TV ayaa hore loogu yaqaanay mid xagga xukuumadda u janjeedha oo xataa masuuliyiintoodu ay fiidiyowyada dadku lacagta sida gaarka ah ugala baxaan jarjara iyagoo ka ilaalinaya hadal yar oo xukuumadda ku lid ah. Marmarka qaarkoodna Horn Cable TV wuxuu gaadhay heer ay xataa Youtube-ka ay ka saaraan waraysiyada ay iyagu hore u sii daayeen sida Waraysigii Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde uu kaga hadlayey arrimaha shidaalka ee Somaliland kaasoo uu Wasiirka Macdanta iyo Tamartu uu ka codsaday masuuliyiinta Horn Cable in gebi ahaanba laga saaro Youtube-ka.

farxaan x cali iyo siilaanyoMulkiilaha Horn Cable ayaa olalahan cusub ee ah inuu danta guud ee ummadda ka shaqeeyo bilaabay ka dib markii uu waayey kontaraag la xidhiidha baafin ah wacyi gelinta arrimaha baatrool qodista ee bariga Somaliland kaasoo uu filayey in isaga la siiyo hase ahaatee la siiyey Universal TV.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay markii masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Siilaanyo ee uu kow ka yahay wasiirka warfaafinta, Cabdillaahi Cukuse, uu mulkiilaha Universal TV kula taliyey inuu marka hore raalli gelin ka siiyo shacabka iyo dowladda Somaliland barnaamijkii Faaliyaha Qaranka ee ay dhibsadeen si kontaraagaas loo siiyo isaga.

Isla wasiir Cukuse ayuunbuu ahaa kii markii horena eryey Universal TV ee iska dhisayey Madaxweynaha iyo Marwadiisa isagoo ku eedayey TV-ga inay qaranka Somaliland meel kaga dhaceen.

Shir Jaraa’id oo uu qabtay 28kii September ayaa mulkiilaha Universal TV, Eng Axmed Abuukar, uu si rasmi ah raalli gelin u siiyey Shacabka iyo Xukuumadda Somaliland isagoo markaa ka dibna si hoos ahaana loola galay kontaraag iyadoo run ahaantii ay ahayd in wasiirka iyo kuwa kale ee kula socda arrinkaba ay ahayd inay kontaraagaas ku naas nuujiyaan Horn Cable oo ah TV laga leeyahay Somaliland.

Arrintani waxay ciil iyo cadho badan ku keentay mulkiilaha Horn Cable TV oo isna bilaabay olole cusub oo uu si gaar ah dibadda ugu soo ban dhigayo barnaamijyo ku-xumee ah iyo qaladaadka dhabta ah ee xukuumadda kuwaasoo masuuliyiinta xukuumaddu gaar ahaan qoyska madaxweynuhu ay aad u dhibsadeen .

Farxaan ayaa la sheegay inuu cid kastaba diiday oo uu sheegay inuu danta ummadda u adeegi doono kuna adkaysan doono mawqifkiisa balse inta uu sii wadi karo ayaa su’aali ka taagan tahay.

Farxaan ayaa illaa immika barnaamijyada uu soo deynayaa ay yihiin qaar ku kooban cabasho ka soo yeedhaysa beesha Subeer Awal ee ku siman nawaaxiga Gabiley iyo Waqooyiga Hargeysa.

Waxase haatan cad in xukuumadda Somaliland ay u leexatay dhinaca Universal TV oo shalay ay ku eedaynayeen inuu xukuumadda lid ku yahay. Cabdillaahi Cukuse oo qorigiisu labada dhinacba u dhaco ayaa arrintan hormuud ka ahaa- shalay iyo maantaba lamana garanayno waxa keenay is-beddelka intaa leeg. Blasé waxa la filayaa inay arrintan soo dedijisay wax ay labada dhinac isku qarsanayaan.

In muddo ahba waxa Farxaan gurigiisa isaga kala dab qaadayey Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cali Warancade, Salaadiin ka soo jeeda beesha Habar Jeclo oo intaba uu soo diiday kuna adkaystay inuu halkiisa ka sii wadi doono uuna danta ummada u adeegi doono.

Waxa immika soo shaac baxday in madaxtooyadu goosatay in loo diro salaadiin Subeer Awal ka socda hase ahaatee inuu iyaga dhageysan doono iyo inuu waddadii uu mariyey kuwii hore marin doono waa arrina laga dhur sugayo.

Dad badan oo xukuumadda taageeraa waxay u arkaan Farxaan inuu wado waxa loo yaqaan Blackmail oo ah haddii waxa aan doonayo aan kaa waayo ceebtaada ayaan shaacinayaa haddii aan kaa helena heshiis baynu nahay. Hase ahaatee illaa ay wax kala caddaadaan waa qalad in sifahaas lagu macneeyo Horn Cable iyo mulkiilihiisatoona.

 Haddaba su’aasha ugu weyn ee haatan la is-weydiinayo waxa weeye: Ma faro dufan leh oo lagu salaamo ayaa ka farxin doona Farxaan mise qalaylka ayuu ugu xiiri doonaa salaadiinta Subeer Awal oo waddadii uu kuwii hore mariyey ayuu marin doonaa oo adeegista danta ummadda ayuu ka raaci doonaa sida uu sheegay.

Xigasho Hadhwanaagnews London.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here