Ma Dhab baa In Xukuumadu Ka Iibinayso Xaafada Linka Poliska Nin Ganacsade Ah Iyo Taliyaha Booliska Oo Dadka Xaafadaa Degan ku war geliyay in la Iibinayo Dhulkaasi.

0
33

Hargeysa (Hubaal)Xaafada Liinka Bilyaska ee magaalada Hargeysaa ayaa la sheegayaa in Nin ganacsade ah oo ka mid ah ganacsatada somaliland ay xukuumadu ka iibinayso wararku waxay intaa ku darayaan in dadka degan xaafada Liinka booliska lagu war geliyay in la iibinayo dhulka isla markaana waxay xaqa u leeyihiin la siin doono madaama ay mudo dheer daganayeen una badan yihiin Xasaasaska Booliska Somaliland.

Warar xog ogaal ah oo waaheen helayso ayaa sheegay in Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo booqday xaafadaasi Linka bilayska inuu shirar la yeeshay dadka dagan xaafadaasi isagoo u sheegay in xukuumadu dhulkaa Iibinayso madama uu dhulku yahay dhul dawladeed waxanu u cadeeyay in madaama ay mudo dheer daganayeen dhulkaasi aanay dawladu iloobayn abaalmarinana la siin doono.

Arrintan ayaan ahayn mid cusub maadaama Madaxweynaha Somaliland uu hore u sheegay in dhulka danta guud ay xukuumadu Iibinayso islamarkaana qasnada dawlada ku dhici doonto lacagtu

Dhulkan ayaa ah dhul muhiim ah oo ku yaala badhtamaha Hargeysa waxan dhawr jeer oo hore u dalbaday in lagu wareejiyo Maayirka Caasimada Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid oo doonayey inuu ka dhigo istaanka Basasbka ee magaalada Hargeysa iyada Basaska rakaabka ee Magaalada Hargeysi si qaab daran u daadsan yihiin magaalada, codsiga Maayirka ayaa haaddii la ogolaan lahaa wax badan ka tari lahayd bilicda caasimada.hadh

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here