Qaar kamid ah Maamulka Gobolka Awdal iyo Shaqsiyaad ka ag dhaw dhaw Madaxwayne ku xigeenka somaliland oo haatan ku sugan Gobolka Awdal ayaa ku Foogan abaabulka iyo isku dubaridka arimo xaas saasiya oo amaanka gobolka iyo kani degmada wax u dhiamaaya.Ujeedada ay ka leeyihiin in rabshado ka dhacaan Gobolka Awdal ayaa lagu sheegay in lagu xag xagto , Gudoomiyaha Gobolka iyo kani degmada Borama , lana rabo in khal khal la galiyo hanaan u socodka arimaha May isla markaana ay kalsooni siinayso cid gaar ah.
Wararka hoose ee aan ka helayno ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa farta ku fiiqay , xog hayaha Gobolka Awdal in uu hormuud ka yahay shasiyaadka loo egmaday in ay iyagu khal khal galiyaan hanaan u socodka iyo wadjirka dadka degmada ku dhaqan. wararka ayaa intaasi ku daray xog hayaha Gobolka oo kaashanaaya gacanyar yaasha M/kuxigeenka Somaliland iyo shaqsiyaad si aad ah looga soo dhaweeyo guriga madaxayne ku xigeenka Somaliland, Mudane Saylici in ay ku fooganyihiin Abaabulka Mudaharaad been been ah oo lagaga soo horjeedo Mudane Saylici si dad gaar ah loogu shaabadeeyo , shaqsiyaad loo danleeyahayn gacanta lagu dhigo, arintan oo looga gol leeyahay iska horkeenka dadka kuwada dhaqan gobolka iyo hoos u dhigida tayada maamulka Gobolka iyo kani degmada.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mr Ramaax ayaa isagu la kowsaday is qab qabsi iyo hufnaantii shaqo ee Gobolka oo meesha ka baxday taasi oo sobobtay in u booskiisi waayo gudoomiye ku xigeenki Gobolka Mr Sugaal.halka Xoghaya Gobolka ay ku gadaamanyihiin Shaqsiyaad maqaam sare ku leh maamulka somaliland iyo salaadiin ugu magaca roon Gobolada Galbeedka Somaliland.
shaqsiyaadka ka ag dhaw xafiiska Xoghaya Gobolka Awdal ayaa sheegay in uu ku hawlanaan kuna hawlanyahay sidii u isaga dhicin lahaa Gudoomiyaha Gobolka Mr Ramaax iyo sidii u carqaladaynlahaa talaab kasta oo wax ku ool ah oo loo qaado xag wanaagsan.
Shaqsiyaad iyagu ka socoda guriga madaxwayne ku xigeenka oo ku sugan gobolka ayaa u jeedadoodu tahay in ay soo celiyaan taageeradii M/ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici u ku lahaa bulshada dhexdeeda(Awdal, Salal) , taageerada Mudane saylici ayaa dhaawac wayni soo gaadhay mudooyinka dambe kadib khilaafyo dhawr ah oo hadheeyey Goboka Awada oo u qayb ka ahaa, si hadab ay u soo celiyaan taageeradaasi beeshiisa iyo guud ahaan beelaha Maxamed Case waxay ku foogan yihiin abaabulka mudaharaad mac mal ah oo lagaga soo horjeedo saylici, si beelaha maxamed case hawshaasi uga dagaalamaan oo ay u arkaan in wiilkoodi iyo maqaamkiisii dawladanimoba beelo kale iyo shaqsiyaad Ku soo duuleen taasina ay dhaliso in beelaha walaalaha ee Gobolka Wada degaa u kala irdhoobaan saylicina sidaasi ku soo ceshado taageerada beesha maxamed Case .
Taageerayaasha Gobolka ee Mudane Saylici ayaa wararku sheegayaan in qalabka ay u adeegsanayaan mudaharaadkaasi ay suuqyada ka baayacayeen , kooxo dhalinyaro ah oo aad ugu faro dhuudhuuban abaabulka rabshadaha ayaa sheegay in kharashaad ay ka sugayaan shaqsiyaadkaasi , warar aan ka helanay meelaha banjarlayaasha ayaa sheegaya in kala iibisiga taayirada duuga ee lagu gubo jidadk u sixir sareeya lagu kala gadanaayo gaadhay.
Dhalinyaro iyagu kharashkooda ka soo qaatay gudiga qaban qaabada mudaharadka Saylici ee macmalka aha ayaa sheegay in Calamaan Badan oo kuwada Awdal State ah loo soo talay guryo gaar ahna loo kireeyey.
Isku soo wada duuboo is xag xagashada maamulka gobolka Awdal iyo gacmaha dhaadheer ee Mudane saylici waxay luminaysaa oo ay meesha ka saaraysaa dhamaan wad jirka, isku duubnida iyo horumarka Gobolka Awdal.
Qoraaga: Cabdi Raxmaan Cali Buux.
ahawsh@gmail.com