Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici ayaa la sheegay inay kulan qarsoodiya shalay kula qaateen Xarunta Madaxtooyada Somaliland, qaar ka mid ah Maayarada dalka oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Caasimada Hargeysa, isla markaana waxa la sheegay in Maayaradu ay ka qeyb-galeen falaqaynta Mashruuca GPLG oo ha’yadda Un Hapitat ka caawiyaan horumarinta adeegyada bulshada Degmooyinka Somaliland oo ay u joogeen magaalada Hargeysa.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo u dhuun-daloola madaxtooyada, ayaa shalay shabakada Hadhwanaagnews u sheegay in kulankaas Wasiirku la qaatey Maayarada Degmooyinka uu daarnaa, inay ku gacan seydhaan u yeedhista ay ka dalbadeen Gudida Ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranka .Xogahaasi waxay tibaxeen Qasriga Madaxtooyada Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan la qaatey Maayarada dalka qaarkood sida Maayarka Degmada Burco Maxamed Muraad iyo Berbera oo la sheegay inay ka dhexeeyaan dano fara badan.
Wasiirka kaga xidhan Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer,waxaanu Wasiir Xirsi u laqimay sida wararkaasi tibaaxeen in aanu aqbalin inuu hortago Gudida Ilaalinta iyo dabagalka hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland, taasoo uu diiday qoraal loo geeyay oo ay Gudidu kaga dalbaneyso, inuu ku hor yimaado guddida ilaalinta hantida iyo dabagalka iyo hantida qaranka.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah Guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka oo xalay khadka Telifoonka kula xidhiidhnay sidii aanu arrintaa wax uga weydiino ayaa ka gaabsday, isla markaana waxay sheegeen in marka ay hubsadaan ka hadlidoonaan arrintaa iyo sababaha ku kalifay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Hase yeeshee ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Madaxtooyada oo ku saabsan waxa arrintaa ku kalifay Wasiirka Madaxtooyada.