Muddooyinkii danbe waxaa si aada u soo shaacbaxaayey tuhuno la xidhiidha in Xisbiyada Mucaaradka ahi ay sax xooga ka qabeen diiwaan galinta Madaniga ah iyada oo ay ku sifeeyeen mid looga dan leeyahay in lagu suul daareeyo in ay dalkan si habsami ah ay Doorashooyin u ga dhicin.
Hadaba waxaan halkan aan ku iftiiminayaa arrimo badan oo muhiim ah oo aan si balaadhan ugu saafayo,ama aan sarkaxaadis aan doonayo in aan ugu sameeyo bal Diiwan galinta Madaniga ah waxa ay tahay iyo waxyaabaha looga baahan yahay in ay shacbiga u tarto.
Waa maxay Diiwaangelinta Madaniga ahi:
Diiwaangelinta Madaniga ahi waa:
1. Maclummaadka dhalashada iyo Dhimashada
2. Guurka iyo Furiinka
Daawaangelinta madaniga ahi waxay xambaarsantahay xog halbowle u ah maamulka iyo horumarka dalka. Waxa lagama maarmaan u ah xeer u gaar ah uruurinta iyo maamulka xogtaas iyo xafidaadeeba oo Golaha Wakiiladu ansaxiyo. Xogtaas uruurinteeda iyo maamulkeeda midna siyaasad ma galo, ee adeeg qof walba iyo koox waliba ay xaq u leedahay weeyaan. Uruurinta xog kala dhimani waa tacab khasaar, waxna ma tarayso, waayo mar baa la wada uruuriyaa dhalashada, dhimashada, guurka iyo xaaladda furniinba. Diiwaangelinta salka hore ayey dhistaa ka dibna waa laga dul shqeeyaa iyadoo qoysak iyo qofkaba wixii iska beddela la geliyo.
Haddaba iminka ololaha dawlddu waddo ee taysaradu, ma diiwaangelin madani ah baa? Taysaradu waxay ka soo dhexbaxdaa faylka qoyska ee samaysma. Maxaa siyaasadeeyey taysaradii, maxaase ka reebay macluumaadkiin kale ee halbawlaha ahaa? Maxaa 16 jir iyo ka weyn oo keliya loo diwaangelinayaa? Miyaanay da’yartu xaq u lahayn muwaadinnimo iyo kaadhkeedaba? Halkay salaadu ka xidhmi la’dahay?
Bal aan woxogay idiin baaciyo weliba Su’aalaha u sii gaarka ah TAYSRADA lag u dawaamay, ee Madaxtooyadu dabada riixayso, iyadoo Mayrada la doortay ee ay ay shaqadooda ahayd dhoobanyihiin.
1. Waxay diiwaangelinta Taysaradu udub dhexaad u tahay istrattegiyada korhdinta wakhtiga Siilaanyo iyo kooxdiisu ay kursiga ku sii fadhiyeyaan iyagoo aan doorasho qaban.
Waxa istrataajiaydu ka bilaabantaa in Taysarada lagu dilo Diiwaangelinta Codbixiyaha oo haddii ay qabsoonto, jidka dimuuqraadiga jeexaysa, kaas oo aanu kursiga iska fadhiyi Karin Siilaanyo isagoo aan doorasho qaban. Waxay tidhi Madaxtoyadu qof aan Taysaro qaadani ma qaadan karo kaadhka codbixiyaha, taas macanaheedu waa ma codayn karo. Waxaa kale oo ay tidhi ilaa Diiwaangelinta Taysarad la dhameeyo, diiwaangelinta codbixiyaha lama qaban karo. Arrintaasu waa halka dagaalka dimuqraadiyada loogu jiraa ka taaganyahay – wuxu sharcigaasu horyaal baarlamaanka.
Halkaa dhawr arrimood oo muhiim ah baa ku jira:
1. Haddiiba loo raaco sida madaxtooyadu doonayso wakhti intee le’eg baa lagu qaadan karaa Taysarada oo diiwaangelinteedu ku dhamaanaysaa ? Kollayba wakhtiga yare ee ka hadhay doorashadii Juun 2015, marka Siilanyo wakhtigiisu dhamaado, laguma diiwaangelin karo dadka codaynaya – markaa halkaa waxay Madaxtoyadu ka helaysaa in doorshadu dib u dhacdo oo kordhintii lagu guulaysto.
2. Waxa lagu fulinayaa mashruuc loo xilsaaray Wasiir Waran Caddae, in dadka inta ay isleeyihiin codbaa ka helaysaan loo fududeeyo sidii Taysrada ay u qaadan lahayeen; inta kalena lagu xakameeyo caqabado farsamo oo ay ka mid tahay in goobaha lagu cidhiidhyo. Ka dibna marka ay muddadii la kordhistay dhamaato, wax doorasho u eeg la qabto iyadoo la ogyahay inta ay Taysaro siiyeen ee ay codkooda isku hubaan – wadda la yaqaan oo qbolka Gesska laga dhaqmo.
Ogow Wasaaradda Arrimha Gudah Keligeed ayaa faraha ku haysata barnaamijka Taysarada oo fulinaysaa qorshahaas– iyadoo saamaynta intaa le’eg ku leh doorshada, ayaan haddana Xisbiyada Mucaradka, Komishanka Qaranka, bulshada rayidka iyo ilaaliyeyaal caalami ahi midna aanay joogin – miyaanay arrintaasu ahayn qof shabeel adhi raacsaday.
3. Waxa iyana meesha ku jirta in muran la abuuro, oo wakhtiga doorshada lagu rido, dhinaca kalena dadku ku jahawareeraan oo wax la qabtaba la garanwaayo.
Waxa mudan in aynu isdultaagno waxyaabah ay madaxtooyadu u soo dhiibato in uu Wasiir Waracadde dadka kaga iibyo Taysarada dhagraysan: waa haddii aan qaadani in
1. Xawaalad lacag loo soo diray aanaad ka qaadan Karin
2. Goob caafimaad aanaad adeeg u doonan Karin
3. Aruurtaada aanaad goob waxabarasho geyn Karin
4. In aanaad waxna dooran Karin adna lagu dooran Karin
Su’aal: Da’yarta la yidhi waxbarasho ma tegi kartid haddana kuma jirtid inta Taysarada la siinayo miyaa laga saaray muwaadinnimadii oo waxa la raaciyey dadka laga ilaalinayo dalka – bal adba, waa yaabka yaabkiisa.
Waxaas oo dhami miyaanay ahyan xaq muwaadin oo la duudsiyayo, iyo xuquuqda asaasiga ee dastuuriga ah lagu tumanayo. Haddii intaaba lagaa qaadi muwaadinka miyaaanay qudhu xigin. Waxaynu xusuusannahay in Muwaadinnimada Somaliland ay dhalsho tahay oo cid kaa qadi kartaa aanay jirin, haddanuu doonayn in xeerkeedii beddelo.
Waa: Jaamac Deegayare.