“Ma Garan Kartid Shar Iyo Khayr Ka Uu Noqon Doono Heshiiska Ay Xukuumadda & Shirkadda Dp World, In Lagu Qayliyaana Waa….”

0
45

– Xildhibaan Maxamed Xuseen Oo Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ka Hadlay Aragtidiisa La Xidhiidha Heshiiska Xukuumaddu La Gashay Shirkadda Imaaraatiga Ah

xildhibaan

Hargeysa (Hubaal): Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa soo dhaweeyay heshiiskii xukuumadu dhawaan la gashay shirkada DP World oo maalgelin iyo balaadhin ku samaynaysa dekeda Berbera. Xildhibaan Maxamed Xuseen oo Axadii lasoo dhaafay magaaladda Hargaysa kula hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Shirkada DP World ay tahay mid caalami ah, isla markaana maamusha dekadaha dalalka horumaray qaarkood. Waxaanu tilmaamay in uu xukuumadda Somaliland ku amaanayo heshiiska DP World ay la gashay, isla markaana ay hor keeni doonto baarlamaanka. Taas oo uu ku sheegay tallaabo hore loo qaaday oo dalka faa iido u leh. Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dekeda magaalada Berbera waa mid caalamiya in badanna waxaanu u raadinaynay in la horumariyo, hadda ayaynu helnay Heshiiskan ay xukuumadu la gashay shirkadan oo dekedaha horumarisa. Waana shirkad caalami ah oo Dubai dagan oo in taas oo dakadood oo caalamka ku yaala maamula oo wadamada horumaray ah oo Maraykanka iyo Yurub ayay dakadahooda maamulaan oo horumariyaan, dhaqaale galiyaan, markaa maaha shirkad laga shakiyi karo, markaa haddii ay doonayaan inay horumariyaan dekeda Berbera waxa ay la mid noqon doontaa dekedahaa ay kharashka galinayaan, waana horumar u soo kordhay qaranka Somaliland, Berberana waxa uu u samayn doonaa shaqo abuur.” Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in xukumadu ay golaha baarlamaanka hor keeni doonto heshiiska ay la gashay shirkada DP World, waxaanu yidhi, “Xukuumadu waxa ay cadaysay in ay baarlamaanka hor keeni doonto heshiiska ay la gashay shirkada DP worlad ee maal galinta iyo balaadhinta ku samayn doonta dekeda Berbera, taana waan hambalyaynayaa, waxa aan rajaynayaa in ay hor keenaan barlamaanka oo ay kaga dhabeeyaan, waana talaabo ay hore u qaadeen oo runtii xukuumadihii ka horeeyay ay ka gaabin jireen in baarlamaanka hor keenaan heshiisyada ay galeen’’. Sidoo kale xildhibaanku waxa uu mucaaradka u soo jeediyay in aanay ka hor dhicin heshiiska xukuumadu la gashay shirkada DP World, madaama oo uu yahay heshiis hor dhac ah, waxaanu yidhi “Maaha in ay dag dagaan mucaaradku, waayo xukuumadu waxa ay sheegtay in heshiisku yahay mid hor dhac ah, wuxuna hadduu hor dhac yahay shar iyo khayrkiisa ma garan kartid nidaamkii hawsha ayuu ku jiraa heshiisku, markaa madaama oo uu hor dhac yahay heshiisku oo aanu dhamays tirnan in laga qayliyaa waa qalad, markaa qolada mucaaradka ah waxa aan leeyahay waxba ha sii qaylinina ee heshiisku waa bilow waxaana aan rajaynayaa in uu noqdo mid dadka an faca.’’

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here