Ma Hoggaamiyey Boqortooyo Boqor Dhakhtar Ahi Adduunka???

0
154

Markii uu dhamaaday dagaalkii  ay Jabhaddii Xaq u dirirka ahayd ee (SNM )  kaga guulaysatay Taliskii Siyaad Barre, ka dib, dib u xoreyntii Dalka jamhuuriyadda Somaliland  sannadkii  1991-kii. Wakhtigaasi ka dib, waxa ciidamaddii  xaq u dirirka ahaa ee (SNM) la kala siiyey Affar Darajo oo kala ahaa, sidan.

muuse-bihi2Waxa la siiyey Darajadda-koowaad, Raggii  siidhiga affuufayey ee  ku jiray jiidaha hore ee ciidamaddu ay ka dagaalamayeen,  “Premier to Premier”  taasoo, ahayd ahmiyaddii kowaad ee ugu muhiimsanayd, uguna sareysay  Madax-da hoggaaminaysa Dowaladda Jamhuuriyadda Somaliland,  halka iyana la siiyey Darjaddii-Labaad Raggii miiska dushiisa ku qorsheyn jiray nidaamka iyo hawlaha ciidanka, “Premier Lazy” Ahmiyadda labaad eek u xigeenadda madax-da hoggaamiyayaasha Dowlada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo Darajadda-Saddexaadna la siiyey,  “Stupid Active”  Doqonadda firfircoon ee xukunka ay gooyaana uu ahaa mid aad hooseeyey, isla markaana ay garashaddoodu ay yarreyd, Raggaas oo ahaa kuwo marka uu dagaalku socdo odhan jiray laba-Kaarre ayaa ina weydaartay, halka Darajaddii- Affaraadna la siiyey “ Stupid Crazy”  Doqonka aan wax-baba hubsanin, Raggaas oo ahaa Saad-hayayaashii marka uu dagaalku socdo ee ay rasaastu kala go’do, iyadoo rasaas loo baahan yahay soo diri jiray shiidaalka ama wax kale oo aan loobaba baahnayn.

Sida aynu wada ogsoonahay, wakhtigaasi waxa la siiyey  Darajadda Koowaad ee  “Premier To Premier”,  Mujaahid  Muuse Biixi Cabdi  oo lagu tilmaamo in uu yahay  hoggaamiye leh Dhaqan, Diin  iyo Waayo Arragnimo, kaasoo hadda,  Hoggaamiye  iyo musharaxa madax-weyne u ah Xisbiga tallada dalka haya ee kulmiye.

Inkastoo, lala xidhiidhiyo in ay tahay hoggaamintu, mid bulshadeed, diimeed, siyaasaddeed iyo ollole-kooxeedba, haddana waxa lagu qiimeeyaa  Hoggaamiye Muuse Biixi Cabdi in uu la mid ahaa hoggaamiyayaashii ugu wanaagsanaa ee ka soo taliyey Aduunka,  oo  lagu qiyaasay in  96%,  ay ahaayeen   Askar ka tirsanayd ciidamada  millateriga,  waxaana ka mid ahaa hoggaamiyayaashaasi,  Jamaal Cabdi Naasir, Andrew Johnson,  Xafidul Asad, George Washington, Winfield Scott,  iyo  Charles de Gaulle oo ahaa saraakiishii ku guulaysatay  difaacidii dalka farancsiiska ee uu damacsanaa in uu qabsado  jermalku,  dabaqayaaqadii bishii January 1940.

Wakhtigaasi, ka dib, waxa uu ka tagey taliskii sare ee ciidamadda , isagoo ku biiray dhinaca siyaasadda, waxaanu musharax  madaxweyne ka noqday xisbigii wadaniga shaqaalaha, isla-markaana waxa uu ku hellay si mutadawacnimo ah taageeraddii ugu badneyd difaacidii dalka faransiiska, inkastoo, haddana  aanay u lahayn  wax-aqoon ah faransiiska iyo dalka ingiriisku,  laakiinse,  waxa ay rumaysnaayeen in hiigsigiisu  uu ahaa mid lagu wada qanacsanaa tayadiisa hogaamiyenimo.

Waxa uu ka qalin jabiyey Jamaal Cabdi Naasir Kuliyaddii Ciidamada Dagaalka, Sannadkii 1938-kii,  horaantii bishii June,  Sannadkii 1967-kii,  waxa ay u sameeyeen dadka reer Masar mudaharaad weyn oo ay ku taageersanaayeen in uu ku biiro hoggaaminta dalka,  waxa kale oo ay u arkayeen in uu yahay nin Hoggaamin karra dalkooda, ka dibna,  waxa uu badelay,  Sannadku markuu ahaa 1970-kii, Madax-weynihii dalka Masar ee la odhan jiray Anwarul sadaat.

Halka Muuse Biixi Cabdina uu ka qalin jabiyey Kuliyaddii-Cilmiga Barashadda Duulimaadka Diyaaraddaha Dagaalka  ee kishanpura oo ku taalay dalka Ruushka sannadku markuu ahaa 1973-kii, ka dibna, waxa uu ku biiray jabhaddii xaq u dirirka xornimo doonka ee (SNM)  sannadkii 1985-kii, isla-wakhtigaasi, waxa uu  noqday Taliyihii Ciidanka dagaalka ee Aaga Bari, sidoo kalena, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii (SNM) ee ku guuleysatay dib u xoreyntii Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, billowgii bishii February Sannadkii 1991-kii,  ka dib, waxa uu ka soo qayb qaatay dhismihii Dowaladnimo, isagoo ka soo qabtay xillal kala duwan Dowaladda Jamhuuriyadda Somaliland.

muse-bihi-1Sannadku markuu ahaa 2002,  waxa uu u xuub siibtay dhinaca siyaasadda oo uu ka gaadhay in uu ka noqdo hoggaamiyaha xisbiga tallada haya ee Kulmiye, isla-markaana ahna, Musharaxa uga tartamaya Jagada Madax-weynaha Xisbigaasi, sidoo kalena, dadka wax  saadaalinayaa waxa ay ku qiimeeyeen, sababta uu sida mutatawacnimo ah ugu hellayo taageeradda ugu badan ay tahay, in la rumeysan yahay Tayadda Hoggaamintiisa oo wanaagsan, isla-markaana lagu wada qanacsan yahay himiladdiisa uu ku hiigsanayo hoggaaminta taladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa aanay taasi ku macneeyeen, iyagoo bud-dhig ugaga dhigay, in uu yahay Hoggaamiye ka soo qayb qaatay halgankii dheeraa ee dib u xoreynta Dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo  in uu yahay nin hoggaamin kara dad badan oo qabiili ah, oo ka badan kuwa cilmiga leh, kana badan kuwa xidhiidhka sarre leh, kana sii badan kuwo aad aad-ula yaabayso macluumaadka iyo xoggaha ay bixinayaan, waxa kale oo ay ku sifeeyeen  farshaxannimadda hoggaamiyaha xisbiga kumiya in uu yahay mid had iyo jeer wax ka baranaayey isbad-badalada cimiladda Aduunka ka jira, mana aha bay yidhaahdeen, mid ku kooban akhriska buuggaagta iyo wararka sida hirarka mowjadaha u qulqulaya oo kaliya, laakiinse, waa Hoggaamiye awood u leh inuu ka tanaasulo fikraddaha duur-joogta ah ee ay faafiyaan duur-joogtii ka dareertay xisbigiisa ee ku biirtay xisbiga WADANI, waxaanu wax u qabtaa sida saxda ah ee ku haboon Hoggaamiye Muuse Biixi Cabid.

Marka laga hadlaayo Hoggaamiyaha, waxa garaadkeenu uu ina siiyaa wax-yaabo badan, isagoo innoo sawira muuqaalo kala duwan, oo leh siyaabo badan oo kala gadisan iyo su’aalo badan oo innooga  baahan jawaab sax ah in aynu kaga jawaabno, waxaana ka mid ah su’aalahaas, sida:-  Ma Hoggaamiyey Boqortooyo Boqor Jillaa ahi,  Boqor War-doon ahi, Boqor Sirdoon ahi, Boqor Xab-xable ahi, Boqor Farsamo-yaqaan ahi, Boqor  Maal-qabeen ahi,  Boqor Tuug ahi, Boqor Macalin ahi,  Boqor Dhakhtar ahi  Aduunka? .

Haddaba,waxa aynu halkan si cilmiyaysan ugu iftiimin doonaa, mid ka mid ah su’aalahaas, taasoo ah, Ma Hoggaamiyey Boqortooyo Boqor Dhakhtar ahi Aduunka ?  Runtii haddii ay taasi jirtana, waxa ay ahayd mid aad u yarrayd,  waxa kale oo taasi lagu sababeeyey dhibaatooyinka ugu waaweynaa ee dhinaca Hoggaamintooda in ay ahayd,  in ay yihiin, kuwo ka horeysiiya dantooda gaarka ah danta caamka ah ee guud, marka ay shaqeynayaan, isla-markaana, ay hagto xoriyaddoodu, iyagoo qiimeeya qaab-dhismeedka ugu sareeya, laakiise, Hoggaamintu waa mid u shaqeysa dadka kale.

Sidoo kale, waxa ay bukaanka u sheegaan, waxa uu qaban doono waxa ay tahay, halka, ay ka dhiiri galin lahaayeen ama ay awood buuxda u siin lahaayeen qofka bukaanka ah,  waxaana hagta cilmiga barashada caafimaadka iyo cuduradda sidii la iskaga difaaci lahaa, iyagoo isticmaalaya farsamo- xaalladeed iyo jawaabta maxsuulka ka soo bixi doonta baadhitaanadii la sameeyey, halka ay Hoggaamintuna u isticmaalsho, hab- xeelladaysan, Abuurid  iyo  muuqaalo sawirkoodu uu aad u wanaagsan yahay.

Waxa kale oo ay yihiin, kuwo ay aad u hoosayso xidhiidhkoodu, isla-markaana, ku farxa hal-xidhaalayaasha in ka badan dhibaatadda dadka haysata, taasoo lagu tilmaamo in Hoggaaminta Dhakhaatiirtu la mid tahay, sida dhaqashadda Bissadaha oo kale, sidaa daraadeed, ayey u yar tahay Boqortooyo Boqor dhakhtar ahi uu hoggaamiye ka noqdo dunida aynu ku nool nahay.

Haddaba, si aanay maalin kasta yab-yab, yabooh iyo yagleel cusubi aanay innoogu dhicin, waxa muhiim ah in aynaan sahan la’;aan guurin, maadaama, sahamintu ay tahay aassaass koowaad ee himilladda dadweynaha, sida, dadka reer guuraaga ahiba ay ugu sahamiyaan xoolahooda dhulka biyaha, naqqa iyo dooga leh ee ay dajin lahaayeen.

Guntii iyo gabagabadii waxaan qormadaydan ku soo gunaanadayaa in aynu xusuusnaano, in aanay  jirin himillo ka wanaagsan himilladda indhaheenu ay arkayaan, sidoo kale, waxaan u  dhaafayaa su;aalaha kale ee u baahan jawaabaha bahda aanu wadaagno akhriska qormooyinka aan ku baahiyo mareegaha wararka iyo wargeysyadda madaxa-banaan.

 

W/Qoraa: Maxamed Faarax Qoti

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here