Ma Is-Leedahay Dhar Aad Xidhan Tahay Ayaa Kaala Tallin Doona Xaaladdaada Caafimaad?

0
38

 

Shirkad la yidhaa OMsignal, ayaa ku guulaysatay inay soo saarto garan ay ku tolan yihiin qalab dareemaya xaalada caafimaad ee qofka, isla markaana ruuxa xidhan u sheegaya kolba heerka caafimaadkiisu marayo, inta uu ku gudo jiro hawlo shaqo, garankaasoo ka mid ah dhar kaala talinaya hadka sida xaaladaada caafimaad tahay.

Qalabkan cajiibka ah oo garanka lagaga rakibayo halka ku beegan wadnaha dushiisa, kaasoo la shaqaynaya xaddiga neefsiga qofka, dhaqdhaqaaqiisa; sida tallaabada uu qaado, garaaca wadnaha iyo cuntada uu cuno, waxa uu macluumaadka ku kaydinayaa qalab yar oo ku rakiban, kaasoo u diraya qofka gashan dharkaas, una sheegaya xaaladiisa caafimaad hadba sida ay tahay.

Shaadhka-xaalada-qofka-la-shaqaynaya
Shaadhka-xaalada-qofka-la-shaqaynaya

“Waxaynu nolosheena xidhnayn maryo, maryuhu waxay inoo yihiin qurux iyo difaacba, laakiin waqtigan waxay inaga caawin doonaan in nolosheenu noqoto mid fiican maalin kasta, waligaa gaadhi ma kaxayn doontid adigoon ogayn xaaladaada caafimaad, sababtoo ah garankan waxa uu kuu xaqiijin doonaa heerka caafimaadkaagu taagan yahay, inaad degen tahay xaalad ahaan iyo in kale,” ayuu yidhi Mr. Stephane Marceau oo ah Madaxa Shirkadda garankan tignoolojiga la shaqaynaya soo saartay.

Shirkaddu waxay tilmaantay in garankan aanu ahayn mid loogu talagalay xaalada shaqada oo kaliya, balse qofku uu meel kasta ku isticmaali karo.

“Garankan OMSignal waxa uu ku yimi afar nooc oo kala duwan oo ragga loogu talagalay, waana mid hoosta laga xidhanayo, garan dusha ah iyo mid qofka ku dhegsan oo marka jimicsiga loogu talagalay. Waxaannu caawin karaa dadka ciyaaraha fudud tartanadooda ka qaybqaadanaya,” ayey tidhi Drs. Jesse Sladen Shantz oo ah sarkaalka shirkadan u qaabilsan xagga caafimaadka.

Arrintani waxay muujinaysaa heerka bani’aadamku ka gaadhay tignoolojiyada, iyadoo ay tilmaan fiican tahay in dharka aad xidhan tahay ka taliyaan xaaladda caafimaad ee aad ku sugan tahay.

WARKAN oo Faahfaahsan Halkan ka Akhrisp

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here