Agaasimaha mashruuca shaqo-qaran Oo Shaacisay Wakhtiga La Bilaabayo Barnaamijka Shaqo Qaran & Shuruudaha Laga Rabbo Dhalinyaradda shaqadoonka ah
Hargeysa(Hubaal):-Xukuumadda Somaliland ee uu gadh wadeenka ka yahay Madaxwweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa shaacisay inay bilaabayso barnaamijkii shaqo qaran ee ka mid ahaa balan qaadyadii uu Xisbiga KULMIYE ku galay Doorashadii Madaxtooyadda ee sannad ku dhawaad laga joogo. Barnaamijkan shaqo qaran ayaa loogu talo galay ardayda ka qalin jabisay Jaamacadaha Dalka.
Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Mu’adinka oo wareysi gaar ah siiyey Television Horn Cable TV ayaa faah faahin ka bixiyey barnaamijka, sheegayna in dhawaan dalka oo dhan ka bilaabmo doono, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Barnaamijkani waxa uu ka kooban yahay oo hindisihiisu yahay in dhalinyarada somaliland ee jaamacadaha ka soo baxda ay qaataan mudo sanad ah tababar carbis iyo shaqo qaran ah, mudadaas sanadka ahi waa laba qaybood, mudo sadex bilood ah wiilasha waxa lagu xarayn doonaa xarunta carbiska ee Dararwayne, gabdhahana waxay joogi doonaan gobolada.”ayuu yidhi agaasime Mu’adinka.
Sidoo kale Agaasimuhu wuxuu soo bandhigay tirada lagu bilaabi doono barnaamijka shaqo: “Dufcada koowaad waxa ka qayb galaya 1500 oo ka mid ah dhalinyarada muwaadiniinta ah ee ka soo baxday jaamacadaha dalka, waxaanay noqon doonaan 1000 wiil iyo 500 oo gabdhood, wiilasha oo kaliya ayaa la xarayn doonaa, gabdhuhuna tababarka carbiska ah ayey ku qaadan doonaan goboladooda, shaqo qaran maaha wax aynu inagu alifnay, laakiin waddammada dunida badankoodu way leeyihiin qaarba si ayey u dhaqmaan, qaarkood waa qasab in qof kasta oo jaamacad ka soo baxaa uu laba sanno oo shaqo qaran ah galo, qaarkoodna waxay u badan tahay tababar milatari, innaga teennu qasab maaha ee waa mutadawacnimo oo qofkii doona ayaa galaya kii aan doonina laguma qasbayo, muddada lagu jirayaana laba sanno maaha ee way ka yar tahay.”
Agaasime Mu’adinka ayaa soo bandhigay ujeeddada laga leeyahay hirgelinta barnaamijkan waxaanu yidhi “Laba ujeedo ayaa laga leeyahay oo ah in qofku uu helo muddo carbis shaqada ah oo uu qaadanayo iyo wadankii oo uu u shaqaynayo isla markaana qaadanaya tababar jidheed iyo bislaansho dhinaca garaadka iyo dadnimada ah, waxaana lagu barayaa taariikhda wadanka, juquraafiga wadanka, nidaamyada dawlada iyo carbis kale, mudadaas sadexda bilood ahna marka ay dhamaystaan waxa loo qaybinayaa hay’addaha kala duwan ee dawladda, waxaanay ka soo shaqaynayaan muddo sagaal bilood ah, sannadkaas ka dibna waxay noqon doonaan shaqaale rasmi ah oo toos u gala shaqaalaha dawladda iyo Ciidammada.”
Waxa kale oo uu soo bandhigay faa,iidada barnaamijkan laga heli doono “Tani waxay meesha ka saaraysaa nidaamyadii ay shaqaaluhu ku iman jireen ama wastadii uu u baahan yahay qofka dhalinyarada ah ee jaamacadda ka soo baxay, imika laga bilaabana waxa u shaqaynaysa aqoontiisa iyo qalinkiisa.”
Dhinaca kale Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran ayaa sheegay inaan shaqaale dawladeed loo qaadan doonin cid aan soo marin barnaamijkan waxaanu yidhi “Cid dambe oo shaqada loo qorayo si dadban ma jirayso, waxa shaqada dawladda loo qaadanayaa oo kaliya dadka ka soo baxa barnaamijka shaqo qaran, qof dambe oo xildhibaan keenayaa ama wasiir gacanta soo qabanayo ama madax dhaqameed keenayaa ma jiro, qof kastaa wixii uu goosto ayuu leeyahay waayo ummadan waxa laga xoraynayaa waxyaabaha ku sii xejinaya qabyaalada, albaabka kaliya ee shaqo gelinta dawladda laga soo galayaa ama saraakiisha ciidammaddu waxay noqonaysaa barnaamijka shaqo qaran, qofkii soo marana shahaado ayaa la siinayaa qof kasta oo soo mara mudnaanta koowaad ayaanu u yeelanayaa, waxa kale oo ay mudnaanta yeelanayaan dhinaca waxbarashada sare ee Master, waayo qaarkood ayaa u baahan doona inay tacliinta sii wataan, deeqaha waxbarasho ee aynu ka helno dibaddaha taasna mudnaanta koowaad ayey yeelan doonaan dhalinyarada ka soo baxda barnaamijka shaqo qaran.”
Sidoo kale waxa uu soo bandhigay wakhtiga uu bilaabmayo iyo shuruudaha looga baahan yahay qofka ka qayb galaya barnaamijkan waxaanu yidhi “Todobaadkan soo socda ayaa la soo bandhigayaa, shuruudaha looga baahan yahayna waxa weeyaan inuu codsi soo qorto isaga oo ku soo lifaaqaya shahaadada jaamacadda, warqadii caafimaadka, warqadii dambi la’aanta, kaadhkii dhalashada ee cadaynayey inuu muwaadin somaliland ah yahay, da’du waa inaanay 30 jir ka waynaan, kuma koobna jaamacadaha dalka iyo kuwa dawladda balse waa barnaamij u furan muwaadiniinta somaliland.”
Gobollada kala duwan ee dalka ayuu sheegay inay ku tartami doonaan tirada la siiyo waxaanu yidhi “Gobol kastana dhexdiisa ayuu ku tartami doonaa, dadka soo qoranayaa waxay noqon doonaan tiro badan, waxaana laga qaadi doonaa imtixaan iyada oo qolo waliba ay gobolkooda ku gali doonaan, qolo walbana waxay ku tartami doonaan tirada gobolkaas loo qoondeeyey, 1000 qof ee ugu sareeya wiilasha iyo 500 ee ugu sareeya hablaha ayaa xaq u yeelanaya inay ka qayb galaan barnaamijka shaqo qaran.”
Ugu dambayn waxa uu soo bandhigay balanqaad loo samaynayo dhalinyarada ka qayb galaysa barnaamijkaasi waxaanu yidhi “Waxaanan dhalinyarada u balan qaadayaa inaanay cadaalad darro dhici doonin ee ay heli doonaan wixii qalinkoodu u gooyo, waxa kale oo aan u balanqaadayaa in marka ay dhammaystaan mudadaas shaqo qaranta ah in lagu meelayn doono hay’addaha dawladda iyo saraakiisha ciidammada.”