GUDAHA KA AKHRI Nuxurka Waraysi Gaar ah Oo Xil. Cabdiqaadir Indho-indho Siiyey Wargeyska HUBAAL
Hargeysa:(Hubaal)-Afhayeenka Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho-indho, ayaa kusii adkaystay sharcinimada Go’aankii muddo-kordhinta ahaa ee Golaha Guurtidu hore ugu sameeyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada. Cabdiqaadir Indho-indho oo waraysi gaar ah siiyey Wargeyska Hubaal, ayaa sheegay inaan sinaba waxba looga beddelaynin Go’aankii ay hore Guurtidu u gaadheen, waxana uu eedo culus dusha ka saaray Axsaabta Mucaaridka ah oo uu sheegay inay sharciga baalmarsan yihiin, “waxan arkayaa inay axsaabtii sharcigii sidii baloodhadii la isku qabsan jirey ku qabsanayaan oo ay muddo-kordhintii nagu qabsanayaan oo ka dhigayaan ku qabso ku qadimayside, wax laga aqbalayana ma ah oo Toban miridh laga dhimi maayo Go’aankii Guurtida ama heshiisyo xaaraan ah ha galeen ama mid ay sharciyadda ku baalmarayaan ha galeene.”ayuu yidhi Indho-indho. Indho-indho oo Hadalkiisa sii wata, ayaa caddeeyey Haddii ay Mucaaridku raaci waayaan Go’aankii Guurtida oo uu ku sheegay ka kaliya ee Sharciga ah in Dhammaan Ururradii siyaasadeed ee hadhay ay axsaab qaran noqon doonaan, waxana uu yidhi, “18-urur baa baa 15-dhaceen,Hadii Sharciga la ixtiraami waayo oo sharci-darrada ay wadaan ka waantaabi waayaan oo la xishoon waayo waxa axsaab rasmi ah noqon doono Ururradii qaranka ee la lahaa waa dhaceen ee Sharcinimada lagu reebay. markaa ismaaciil yaraa Xisi ah, Xasan Gaafaadhi baa xisbi ah, Xasan Guuraa Xisbi ah, Dhego-weynaa xisbi ah,Gaboosaa Xisbi ah, Jamhuurigii baa xisbi ah, 15-kii urur ee dhacay baa xisbi ah, waa Haddii Saddexdan jiraa Sharcinimada ixitraami waayaan.” Afhayeenka Guurtida oo Wargeyska Hubaal weydiiyey su’aal salka ku haysay Halka laga marayo Heshiiskii Xukuumadda iyo Axsaabtu dhawaan gaadheen ee Madaxweyne-ku-xigeenku saxeexa, ayaa sheegay inuu heshiiskaasi ahaa mid Been abuur ahaa, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,“Meel Madaxweyne Joogo madaxweyne-ku-xigeen wax saxeex ah oo uuu leeyahay ma jirto, faalsuuna ku saxeexay uu leeyahay Goob-joogaan ahay, waxa uu wax ku saxeexayna waa Goob-jooge iyo qof meel iska maraya oo kale riyaawad Hindi ahna ma aha sharcigu, madaxweynuhuna laba goor buu hadlayoo labadaba sharciyad buu ku taageeray Go’aanka Guurtida.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho. Waxa uu Cabdiqaadir Indho-indho sheegay in Go’aankoodu Distoori u yahay sida shanta Sano ee Madaxweynaha la doortaaba ay Distoori u tahay, waxana uu yidhi,“somaliland oo dhan sharciyaddaa ugu sarraysa, Muddo-kordhinta waxa la yidhaahdo Guurtidaa leh Madaxweynena ma diidi karo asxaabina ma diidi karto. Heshiiskoodana waxa ka muuqata in Go’aanka Guurtidu distoori ah. Markaa sida shanta sano doorashada madaxweynuhu ay sharci u tahay, ayey muddo-kordhintuna u tahay sharci.” Cabdiqaadir Indho-indho oo ka Jawaabayey Su’aal nuxurkeedu ahaa inay Muddo-kordhinta ay sameeyeen ka dhigaan mid dhinacyada arrintu khusaysaa ku qanacsan yihiin, ayaa si weyn uga Biyo diiday, waxana uu yidhi,“markaanu sharciyadda ku shaqaynayno cidna fasax kama qaadano, laakiin markaanu dhaqan wax ku dhexgelayno Guurtidu dhinacyaday wax ka saxeexdaa, waana sida marka aanu reeraha heshiinayno, laakiin sharciyadda dhaqan iyo dhexdhexaad midna kama oggolin.” Waxa uu meesha ka saaray inuu jiro Khilaaf madaxweynaha iyo Guurtida u dhexeeya oo Muddo-kordhinta la xidhiidhaa, waxana uu markale eedeeyey Axsaabta Mucaaridka ah,“marwalba madaxweynaha waanu is aragnaa wax khilaaf ah oo madaxweynaha iyo Guurtida dhexyaallaana ma jirto, khilaafkana waxa wada axsaabta mucaaridka oo aad mooddo inaanay doorasho doonayn oo ay dalka baabi’inayaan.” Ayuu yidhi Cabdiqaadir Indho-indho.