Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Ka Hadlay Safar Uu Wefti Uu Xubin Ka yahay Ku Joogaan Magaallada Burco Iyo Xaallada Dadka uu Xanuunka Shubanku Soo ritay
“Mashruuca Aannu Gacanta U Qaadno Waanu Dhamays Tirnaa, Waxaannu Rajaynayaa Inuu Dhismaha Jeelkani [Xabsiga] Burco] Dhammaado, Wax Weyna Ka Taro Nidaamka Garsoorka”
Burco(Hubaal) Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ayaa sharraxaad ka bixiyey ujeeddada socdaal ay ku joogaan magaallada Burco, kaasi oo wefti xukuumada iyo xisbiga KULMIYE ka tirsansi ugu kuur galayaan xaallada nololeed ee magaallada iyo guud ahaanba gobolka TOGDHEER kadib markii uu dhawaan ka dillaacay xanuunka shuban biyoodku isla markaana uu soo ritay dad badan oo degaankaasi ku nool qaarkoodna u dhinteen. Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirka madaxtooyada waxa uu sheegay in xaalada gobolka Togdheer ay tahay mid gacanta dawlladda ku jirta oo aan werwer badan lahayn, Wasiirka ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook waxaanu yidhi “ Waxaannu maanta booqasho hawleed oo rasmi ah ku nimid xarunta gobolka Togdheer ee Burco, wefti balaadhan oo ka kooban xubno wasiiro ah, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, iyo gudoomiye ku xigeenka, Wasiiradana ay ka mid yihiin wasiirka waxbarashada, wasiirka Maaliyada, iyo wasiiru dawlaha ganacsiga.”
“Weftigaas ujeedadiisu waxay ahayd gurmad ku aadan xaalada gobolka Togdheer ka jirtay maalmahan iyo xanuunka, waxaannu halkan u nimid gurmad iyo gargaar, annaga oo taas ka duulayna waxaannu caawa shir la yeelanay madaxdii kala duwanayd gaar ahaan hawl-wadeenada wasaarada caafimaadka, dhakhaatiirkii, aqoonyahanadii oo uu wasiirku hor-kacayo, maamulkii gobolka, golahadii deegaanka uu duqa magaaladu kor kacayo, shir weyn oo qiimo badan ayuu ahaa, shirkaa waa laysku xogwaraystay, waxana laga hadlay xaalada iyo heerka uu xanuunkani ka marayo gobolka, waxa layska waraystay talaabooyinka inala gudboon inaynu qaadno wakhtigan dhaw iyo wakhtiga fog labadaba, waxyaabahaas oo dhan shirkaa caawaa lagu kala bogtay talooyin iyo go’aamo aad u loxdan ayaana ka soo baxay dhamaantoodna hadii Alle ka dhigo beri ayaanu baahin doonaa.”
Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa intaasi ku daray “ Xaalada gobolka Togdheer waa xaalad degan, oo aan maanta ahayn mid khatar ah ama lagga werwero, waxay u baahan tahay xakamayn, daaweyn iyo wacyi galin, xukuumad ahaana taas ayaanu wadnaa.” GEesta kale waxaa uu wasiir Maxamuud XAashi shalay kormeer ku tegay goobo ku yaalla magaalladaasi ayaa kahadlay dareenkiisa la xidhiidha gurmadka ay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE kaga qayb qaadanayaan sidii loo xakamayn lahaa faafitaanka xanuunka shuban biyoodka iyo sidii ay gargaar caafimaad uga gaysan lahaayeen dadka uu soo ritay. Maxamuud Xaashi oo la hadlay saxaafadda isaga oo ku suganmagaallada Burco waxa uu yidhi “ILAAHAY ayaa (SWT) Mahad leh, inoo fududeeyey noloshan nimcooyinka badana ina siiyey, waxaanu halkan u nimid weftigayagani gurmad ayaanu ahayn xaaladda gobolkan Togdheer ku soo korodhay iyo xanuunkan shuban biyoodka, ayaanu u nimid in aannu kala qayb qaadano gobolkan dareenkiisa, daaweyntiisa iyo gargaarkiisa intaba. Xanuunka halkan ka dhacay ee maanta gobolkan ka jiraa maaha xanuun hadda wakhtigan bilaabmay oo ku cusub Jamhuuriyadda Somaliland, waa xanuun xukuumad ahaan aannu xogogaal ka nahay cid walba ugu xogogaal sanahay, waa xanuun ILAAHAY qadaray oo aan la siyaasadayn karin, siduu ILAAHAY abaarta inoogu sababay ayuu xanuunkan inoogu sababay, waana inaynu ILAAHAY u noqono oo barino, waxa mudan inaynu gacmaha is qabsano, oo isu gurmano, ma mudna inaynu siyaasdayno ama aynu wax ka dayno halkaa, dad buka oo shubmaya ama dad abaaro tabaaleeyeen, arrintaa hoosta ayaanu ka xariiqaynaa. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dadkii halkan ku geeriyooday wuu tacsiyadeeyey, mar labaadna dadkii eheladoodii waxaannu ugu sidnaa tacsi, waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo isaga ayaa socdaalkan na soo dardaaray oo na soo diray, waxaanu iyadana bogaadinaynaa dhammaan hawl wadeenadii caafimaadka ee ka hawl galay xakamaynta xanuunkan oo ay u horayso Wasaaradda caafimaadka oo uu wasiirku hormood ka yahay, maamulka gobolka iyo kan degmada, waxaanu u mahad naqaynaa ururka bisha cas ee caalamiga ah oo gargaar mug leh halkan keenay. Waanu bogaadinayaa Xisbiga KULMIYE qaadhaankan uu ku wereejiyey wasaarada caafimaadka lacagtaa waxa lagu isticimaali doonaa gunooyinka hawl wadeena shaqaynaya habeen iyo maalinba dadka shaqaynaya ayaa loo adeegsanayaa, laba bilood bajadkood ayey soo gudbiyeen, kharashkaas ayaa ka daboolaya hawshan, waanu ku bogaadinayaa xisbiga KULMIYE iyo gudoomiye Muuse Biixi ba, waxa kale oo aanu halkan Wasaarada caafimaadka kaga wareejinayaa 270 kortoon oo dawo iyo qalab ka kooban oo aanu Xukuumad ahaan gobolkan u keenay si aanu xaalada gurmadkan ay qayb ugu noqoto”. Geesta kale Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa jeelka burco shalay kormeer ku tegay isagoo ay wehelinayaan wasiiro, masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo uu hormuud ka yahay gudoomiyaha ahna murashaxa doorashada madaxtooyada ee xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland. Markii kormeerkaasi dhamaaday waxa saxaafadda weedho kooban siyey wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxaana ka id ahaa “Jeelkan Burco waxa la dhisay wakhtigii Ingiriiskii, maxaabiista uu qaadi karaana waa yartahay, duruuftaas oo dhan waa mid run ah oo xaqiiq ku salaysan, waxana ay tahay ta aannu ka duulnay ee jeelkan aannu u dhisnayno ee ay mashruucan xukuumaddu u fulisay. Mashruucan xabisga dhaxe ee magaalda Burco oo ah halkan, waxa ku baxaya Hal milyan iyo shan boqol oo kun oo doolar ($1, 500, 000), Xukuumadda Somaliland ayaa fulinaysa, lacagtaa qayb ayaa la bixiyey qaybta kalena hada waa la bixinayaa, shirkadiina gacanta ayey ku haysaa, ma jiro Jeel istaagay, waxaanu beeninaynaa in dhisme istaagay uu jiro, waxaan u mahad celinayaa shirkada Al Baraka oo runtii xoog saartay, waa shirkad caan ku ah dhismayaasha, waana kaa socda. Waxaan maqlayey iyadoo la leeyahay jeelkii waa istaagay, Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo meelna dhagax ma dhigno, hadaanu dhignana waanu dhisnaa, mashruuca aannu gacanta u qaadnana waannu dhamays tirnaa, waxaanu rajaynayaa inuu jeelkani dhammaado, wax weyna ka taro nidaamka garsoorka cadaaladda iyo dhaqan celinta maxaabiista”.