Ma waxaynnu is moodaynaa inaynu nahay dhallinyaradii berrito? Miyaynaan ogeyn inaynu nahay dhallinyaradii maanta?Ma nihin dhallinyaradii berrito, ee waxaynu nahay
dhallinyaradii maanta.
Maanta wejiyadeennu way iftiimayaan, way dhalaalayaan waxana ka sokeeya nuur iyo qurux. Laakiin berrito way jactedayaan, way coodh-coodhayaan, wayna curduduubmayaan, waxaynuse dheefsan doonnaa oo dhacarsan doonnaa ilmaheenna-na dhaxal u noqon doona waxa aynu maanta ku dhididno ee awooddeenna ku dhitayno (ku kaydino).
Afar baa maanta hiil inooga baahan.
- Waxa hiil inooga baahan nafteenna
- Waxaa hiil inooga baahan waalidkeenna
- Waxa hiil inooga baahan dhulkeenna.
- Waxaa hiil weyn inooga baahan diinteenna
üNafteennu waxay inooga baahan tahay inaynu uga hiilino jahliga iyo shaydaanka oo ah nacabkeenna iyo cadowgeenna. Waxa maanta inagu waajibay inaynu dhisno aqoonteenna iyo iimaankeenna si’aynu u guulaysano if iyo aakhiroba, waayo ma nihin dhallinyaradii berrito ee waxaynu nahay kuwii maanta.
üWaalidkeen maanta wuu daalay, wuu inagu tabcay, wuu ina tababaray intii taagtiisa ahayd wuxuuna inaga rabaa inaynu nasino, oo uu naxariisanno, oo uu niyad sami iyo naruuro ku naaloodo. Sidaas haddaynu samayno waxaynu helaynaa nasteexo iyo nolol qurux badan oo liibaanta Eebbe ku sidkan tahay if iyo aakhiroba.
üCiddina uma maqna, Ceel-na uma qodna. Dhididkoo la huruu, “dhulka hooyo rabaa” maanta dhulkeennu wuu oo dihin yahay oo nimcaa ku daboollane cid dooxda ayuu doonnayaa, cid daryeesha oo wasakhda u diida ayuu doonnayaa, waxase is waydiin leh waa kuma qofkan uu doonnayaa? Ma malaa’iig soo daahir taybaa? Ma weli illaah u soo diraa? Ma duul soo dhallan doonnaa? Xaasha’e jawaabtu waa maya, kaasina maaha cid meel kale laga doonnayee waa inaga, waa adiga iyo aniga oo iskaashana, garana oo garwaaqsanna gacmaha isu qabsanna gudashada waajibka ina saarran ee dhulkeenna. Khayrkeen wuxuu hantiyey halase iyo hoog buu u hirdiyeye, dhallinyaro intaynu hurdada ka kacno maynu horumarino caqligeenna, cilmigeenna iyo cududdeenna si’uu u ciil baxo dhulkeenna ciirsiga u baahani.
üHanti ka weyni ma jirto caqiidada Muslimnimada iyo diinteenna suubban ee illaahay (SWT) inoo soo hibeeyey, hadyaddana inooga dhigay ee aynu haysano. Oo maalin aan maanta ahayn la’ina waydiin doono iyadoo xisaabi ku lammaan tahay, wakhtiguna waa fursad dheeman ah oo hal mar ku soo marta oo aan dib kuugu soo noqone maxaynu dhallinyaro uga faa’iidaysan waynay? Hiil weyn bay inooga baahan tahay maanta diinteennu, dhexdeennana way ku dacayn tahay oo way ku diiqadaysan tahay dhallinyaro aynu illaahay ka cabsanno, intaan ciqaabi iman, aynu diinteenna ku dhaqanno, aynu tukanno intaan la’inagu tukan, aynu is cafino, aynu khayrka isu kaashanno, aynu cibaadada iyo caqiidada hagaajinno intaynaan hoog iyo halaag mudan.
Cali Maxamed Ibraahin “Cali Dhanaaniye”