Calanka Xisbiga Wadani Waa Calan midabkiisu casaan yahay, Casaan waxa lagu masaalaa amaba uu astaan u yahay dhiilada colaada sidii markii aynu halganka ugu jirnay uu calanka SNM casaanku u sareeyay taasoo macnaheedu ahaa inaynu ku jirnay xaalad colaadeed oo halgan kula jirnay Keligii talaskii Maxamed siyaad Barre halka maanta calankeeno uu u sareeyo midabka dooga ahi oo ka dhigan inaynu ku jirno burwaaqo iyo nabad.
Calanka Xisbiga wadani ee casaanka ah ee uu kaga duwan yahay asxaabka kale Somaliland waa astaan colaadeed waxaanu muujinayaa ujeeddada dhabta ah ee wadani oo ah dagaal inuu wadankan 23-ka sanadood kusoo caana maalayay nabada iyo rayraynta uu u horseedo waayo hadii wadaniyadu ka dhab tahay waxaa sida axsaabta kale ee UCID , KULMIYE Iyo UDUB oo calankoodu yahay doog ayuu astaantiisa isna sidoo kale ka dhigan lahaa midabka dooga ah ee u taagan burwaaqada taasna waxaa cadayn u ah hal-ku-dhigooda oo ah “Haddii Doorasho dhici weydo waa la baaba’ayaa oo Somaliland way burburaysaa”, “waa la qaxayaa oo la isku madhanayaa” , “Wadankii meel xun ayuu marayaa oo bubur ayuu ku dhow yahay ,gurmad ayaynu u baahanahay”.
Xisbiga wadani waxay markasta afkaarta ka midaysan yihiin Somaliya oo ah cadowgeena Koowaad kasoo marka uu wax dhaliilayo aad moodo somaliya oo ina dhex joogta , waxyaabaha bulshada reer Somaliland ay ka biyo diideen oo shaahid u ahaayeen waxa kamida; Markii diwaangelinta muwaadiniinta ay xukuumada Somaliland ku dhawaaqday inay qabanayso oo ay muwaadiniinteeda ay diwaan gaara u samaysanayso oo ah sunaha dowladnimo islamarkiiba somaliya way qaadacday oo way ku gacan saydhay waayo waxay ogaatay inaynu noqonay dad isku tashaday oo ka tashaday Somali weyn iyadoo taasi ay dhagaha shacabka reer Somaliland ay ka dhex guuxayso ayaaba xisbigii wadani isna la mabda’a noqday somaliya waabuu lasoo saftay isagoo cod dheer ku qalinaya oo kasoo horjeeda aqoonsiga dadban ee Somaliland go’aansatay, waxaabay bulsho weyntii reer Somaliland ku noqotay laf dhuunta u mari weyday muxaafid iyo mucaaridba waa la yaabay maalintaas ayay dadka reer Somaliland ogaadeen inuu xisbigani Somali weyn lagasoo shidaaliya. Ta kale la yaabka iyo u qaadan waaga bushada Somaliland ku noqotay iyana waxa weeye arrintan shidaalka Somaliland ee lasoo saarayo, Somaliya waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay u joojin lahayd shidaalka Somaliland laga qodayo oo ah kheyraadka Somaliland , boqolaal digniinood ayay u diraan shirkadaha shidaalka soo saara, qaramada midoobey ayay si kasta ula hadleen, maraykan , ingiriis iyo cid walba waa u cowdeen , cod dheer iyo mid gaaban waa ku sheegeen si ay u joojiyeen shidaalkaas oo warbaahinta ayaynu ka aragnay iyagoo leh “Shirkadaha shidaalka kasoo saaray Somaliland waa inay joojiyaan,sharci uma haystaana oo waa hanti somaliya leedahay”, illahay amarkii waxba waa inaga qaadi waayeen illeen dad xaq ku socda ayaynu nahee, hadaba waxa uu jabka ka taagan yahay kii Wadani ahaa ayaaba halkan maalin kasta ka nadhaacinaya waxabay ku tiraabayaan hadalkii somaliya ina lahayd oo ahaa “shidaal lama soo saar kari oo sharci shidaal lagu soo saaro ma lihin, ciidanka shidaalka lama samayn karo oo waa ciidan beeleed” waaba yaab waar horta xisbigan wadani ma somaliya oo ina dhex joogtaa !!
Hadalada turxaanta leh ee ay durayaan dharaarahan masuuliyiin ku sheega xisbiga wadani waxa kamida nin aynaan garanayn oo ay yidhaahdeen waa xoghayaha xanaanada ee Wadani ayaan maalin dhawayd intuu warbaahinta soo hor kuudadsaday yidhi Godoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan waan dilaynaa. Taad sheegtaab takale ka darane bal kan gudoomiye ku-xigeenka wadani ah ila eega; isna hadh iyo habeen ku tiraabaya “wadanka dib u xorayn ayuu u baahan yahay, dhiig baa loo daadinayaa”.
Wagareey,adeer nin weyni wedkii waa yaqaanaa waa maahmaah somaliyeed walee wadanigan astaantiisu tahay dhiiga, weedhiisu tahay Burburka , qorshahiisu yahay Somaliland bi’iska haddii uu doorasho madaxweynanimo galo meel dheer ayaa la inaga eegi !! .
Tilmaamaha aan kor ku xusnay dhamaantood waxay daaha ka rogayaan ujeeddada dhabta ah ee Xisbiga Wadani kasoo halis ku ah jiritaanka qaranimada Somaliland kuwaasoo ay markhaati ka yihiin shacabka reer Somaliland, Waxaan guud ahaan shacabka Somaliland, Xukuumada, Mucaarid iyo Muxaafidba inaynu ka digtoonaano halista Xisbiga wadani oo aynu fiiro-gaara u yeelano oo intaan doorasho wadanka ka qabsoomin aynu go’aan deg deg ah ka gaadhno xisbigaas waayo haddii uu doorasho galo kadiban axsaabta kale kaga guuleystaan way qaadaci doonaan kadibna waxay go’aamin doonaan dagaal iyagoo badka soo dhigi doona qandaraaskoodi ay somaliya kasoo qaateen. hadaynu reer Somaliland nahay waxay caan ku nahay isu tanaasulka iyo garawshiyaha laakin wadani wuxuu wadaa waa (kaa ka waaweyn).
Gun iyo Gebegebo, Waxaan illaahay uga baryayaa Somaliland inaanu wax dhiba tusin , cadowgeeda gudaha iyo debedaba uu jebiyo
Wabilaahi Towfiiq
Maxamed Xaaji Quule Yaasiin
Waayo22@gmail.com
London UK.