Waa duni la kala iibsadoon, nala ogaysiine”– Faarax Nuur, AHUN.
Waddaninnimo-darro yeelkeed, xilkasnimo-darro qushigeed, sarriigasho la’aanina danigeed’e,
dhimashadu waa marka damiirku sidan u dulloobo ee u gumoobo. Dhulkii goobaha akhriska saboolka ka ahaa ee midda qudh ah lahaa, waxa laga soo sheegay foolxumo muddo la dedayey oo dharaarahan furku ka dhacay, dabeedna kashifantay. Maktabad Hargeysa ku taalley oo ciddii akhris ama buugaag u hollataa u aroori jireen, dad badanina u aayeen, ayaa laga soo sheegay war laga yaxyaxayo oo laga yaabban yahay sida uu xilligan suurtagal u noqday.
Maktabaddii Gaandi ayaa tiiyoo la dhex fadh fadhiyo oo wax lagu akhrisanayo la kala gatay oo sidaa lagu dhiirraday, markii la damcay in la dhaqangeliyo ee irridaha loo laabayna lagu war helay. Boobkii hantida danta guud ee lagu bahaloobay baa halkaa la maraya madaxdeennii iyo ganacsatadeennii aynnu eednay. Cagtii joogsan weydaa mar bay ceeb la kulantaa! Wixii la boolyan karayey iyo wixii la dhici karayey wax badani ha uga hirgaleen, maanta ayay se raran lagu caga gubyoonayo ku joogsadeen, oo ay dacar is waraabsheen!
Waxa ay moodayeen in ay dhul iyo hanti kale kala iibsadeen, waxay se moogganaayeen in ay digo iyo dambas kala iibsadeen – sidii labadii nin ee xarfaanta ahaa ee midiba ka kale khiyaamee is lahaa, dabeedna labadaa walxood isu qariyay.
Ma waxa ay garan waayeen: goobahani waa meelaha tirada yar ee ay idinkaga maqan yihiin dadka intooda yar ee baraarugsan, idinkana il dheer marka ay doonaan?! Ma waxa ay garan waayeen haddii ay kolleyba boob idiin tahay, intii hore ee aad awelba ku mamteen ku ekaada, idinka oo weliba raad gadanaya? Miyaanay ogayn dadka ay ardaagooda ugu yimaaddeen ee ka toosiyeen, in ay yihiin kuwa haddii ay oogsadaan oo kacdoon sameeyaan, cidda ay sahayanayaan ee ay ku bogsanayaan iyaga tahay? Maanta ma in ay dalka dhan Hargeysi weliba hal maktabad ka lahaato ayay ahayd, mise in Hargeysi maktabado yeelato, dabeedna gobol iyo degmo kasta oo kalena la gaadhsiiyo, oo goobo akhris laga hirgeliyo? Haddiiba se nasiib’darradeeda Hargeysi ay hal goob-akhris lahayd, ma in tiina laga iibiyo, buugtii iyo cilmigii halkaa tuulnaana la rabaaliyaa bay ahayd?
Haddii damiirka sidaa u dilan iyo jaahilnimada heerkaa garaacaysa laga helay dad innaga mida, waxa taa laga waayey oo heeryadaa iska rogay dadkii laga soo dareeriyay maktabadda iyo cid kasta oo maan fayow oo wax ka odhan karaysay, oo laga filayey in ay Gaandi u hiiliyaan, ama isu hiiliyaan. Geesiyaashii qalinka miigganaa ee erayga dhigan wax ku gilgili jiray sidee loo xakamayn lahaa bal? Yaa afka qaban lahaa maansayahankii aftahanka ahaa ee meeriskoodu meel mari jiray? Jaadku doonaba ha lahaadee, farshaxankii farriimaha gudbin yaqaannay ma inay tan oo kale iska daawadaan baa laga eegayey?
Dhallinyaradii intaaba u taagnayd ee hawshaa ku guntatay, guulna ka soo hoysay, iyo cid kasta oo wax ku lahayd in goobtii dib loo furo ayaa bogaadin iyo ammaan mudan.
Hawshaa intii aan soo sheegayba ay ka midaysnayd, bay haddana maalmahan dad cilladaysani ku asqaynayaan oo majaraha kaga duwi rabaan ku xidhiidhinta dano qabyaaladeed iyo arrimo kale oo aanay maanta tan meeli uga bannaanayn.
Dad ay ka mid yihiin odayaal iyo madaxdhaqameed-ku-sheeg kasmo daran baa maalmahan ka kala had hadlayey xaafadaha Hargeysa, oo wax aan shaqadoodii ahayn dhex yaacayey, wax aan la dhegaysan karinna shubayey. Dadka caynkaas ahi iyaga oo is moodsiinaya in ay maktabadda wax tarayaan, amaba dano kale ku hoos qarsanaya, ayay wax u dhimeen dedaalkii arrintaa loo galay. Wax ay taraan haba sheegine, waxyeellada ay dadkaa ka-dhextooska ahi hawsha ku darsadeen waa: in ay ujeedkii iyo dareenkii dhallinta leexiyeen, kana been sheegeen, una ekaysiiyeen arrinta xidhitaanka iyo furitaanka maktabadda mid ay reero ku xintamayaan, dabeedna sidaa barbaartii hagaagsanayd fadqalallo ku kala dhex dhigay. Sunta nimankaasi qaybinayaan baa u muuqan karta mid kala shaki iyo kala qaybin abuurta, balse aqoonyahankii iyo indheergaradkii awelba danta guud ku midaysnaa, taas waxba kama soo gaadhayaan, waayo wacyigooda ayaa ka sarreeya waxa ay fidnowalayaashaasi u sheegayaan. Haddii maanta tan oo kale lagu kala qaybsamana, tu dhaanta oo berri la isku afgaran karo anigu garan maayo.
Dhacdadan yaabka leh ee iibinta maktabadda, haddii ay sidii lala rabay u dhici lahayd, runtii haddii afaf kale lagu turjumo oo dunida kale loo tallaabiyo waxay noqon lahayd halqabsi taariikh-gal ah oo la yidhaahdo: duul Soomaali la yidhaa baa beri laga soo weriyay maktabad keliya oo ay lahaayeen inta ay gadeen, dabeedna goobtii dukaan ka dhigtay oo raashin ku raseeyay. Sidaas bay haddii aynnu foolxumadan dugsan lahayn oo aan laga diiri lahayn, ay u noqon lahayd halqabsi uu sida murtida/maahmaahda u soo qaato dal kasta iyo deegaan kasta oo uu markaa wacyiga dadkiisu hooseeyo, dunida tacliinta ku tanaaddayna dib u weydaarto.
Haddii aynnu si wacan u wada ogaan lahayn aqoonta iyo fidinteeda dhibkii iyo dhaawacyadii ka soo gaadhay iyo halgankii ay u soo mareen halyeeyadii Maxamuud Axmed Cali, Yuusuf Xaaji Aadan, iyo raggii la midka ahaa, dhammaanteen waxbarashadaynu ka shaqayn lahayn oo dhiigga iyo dhuuxaba u shubi lahayn, sidii raggaa taariikhda Soomaalida baalka dahabka ah ka soo galay oo kale, dabeed cidina kuma dhiirrateen waxan (maktabad la baabbi’iyo) iyo wax u eg toona in dadka lagu dayo.
Habeenkii 26kii Juun, 1960kii, ee Hargeysa calanka xorriyadda laga taagey, kii Ingiriisna la dejiyay, raggii ka gabyey oo aad kollay badidood wada garanaysaan waxa ka mid ahaa Eebbe ha u naxariistee Axmed Ismaaciil Diiriye “Qaasim” oo Cadan ka soo tiriyay gabay uu dalluunta bushaaro ugu geynayo Sayidkii Ingiriiska la diriri jiray. Waxa gabaygaa ka mid ahaa:
Allow yaa darwiishkii farriin, debecsan gaadhsiiya
Allow yaa dadkaagii yidhaa, dawladnimo qaaday
Allow yaa dabbaaldeg iyo farax, kala dul eedaama
Allow yaa dalluuntiyo qabriga, dib uga soo saara
In dariiqadii nooshahooy, dunida soo gaadhay
Oo dabkuu shiday rag kale, dogobyo sii saaray
Allow yaa af lama daaliyee, daacad ugu sheega.
Xaaladda maalintaas taagnayd ee gobannimada ku saabsanayd waxa aan u soo qaatay, in aan ag dhigo ta maanta aynnu aragnay ee aqoonta lagu liiday, maadaama oo labada qaddiyadoodba (gobannimada iyo tacliinta) loo soo maray halgan dheer.
Inta aan tuducyadan ‘Qaasin’ gabay-dheeg ku sameeyay, ayaa isagu sayidkii bushaaro ayuu u siday’e, innagu waxa aynnu u ashkatoonaynnaa aabbihii waxbarashada Soomaaliyeed, Maxamuud Axmed Cali iyo saaxiibbadii, Eebbe ha u wada naxariistee. Nimankaa hawshii tacabka badani ka galay, ee iyaga oo ifka jooga ay ku guulaysteen hirgelinteeda, in maanta oo ay in badan sii mootanyihiin, ay maqlaan arrintan dhiillada iyo dib u noqodka ah, maynnaan jeclaanneen, warkan ayaa se u dhigan mid godka ugu geli gaadhaya geesiyaashaa hore u galbaday’e, maynnu sidan farriin ugu dirno:
Allow diricyadii yaa farriin, debecsan gaadhsiiya
Allow yaa dadkiinnii yidhaa, dawldanimo seege
Allow yaw dacwoodoo qabriga, daaqad uga fayda
Allow yaa dalluuntiyo qabriga, dib uga soo saara
In dariiqadii nooshahoo, duul se ku ciyaaray
Oo dabkii ay shideen uu rag kale, siiba daminaayo…
Dacwadda iyo dhiillada ka dhanka ah damacaa waxshinnimada ahi waxa ay ku sigatay in ay dalluunta ka soo saarto, oo qubuuraha ka soo toosiso raggii cimrigooda intii ay jireen geliyay sidii ay Soomaaliyi wax u akhriyi lahayd, waxna u qori lahayd.
Marka ummad garashadeeda la caayayo ama se aan waxba la iskaga tirinahayn, sidan baa loo liidaa, oo waxa lagula soo dhacaa oo lagula soo dhiirradaa waxaas iyo wax la mida, oo dabeed aqbalkeeda laga sugaa. Maanta haddii aynnu tijaabadaas ku dhici lahayn oo arrintan bulshada la marsiin lahaa, waynnu gumoobi lahayn, waxaa se halkaa ka cad in aynnu weli noolnahay, oo soo jeedno, weliba wax badan oo kale ayaa sidaa innagaga maqan oo hantidii danta guud la odhan jiray sidan baa badankeedii hore loogu liqay. Tani waxay ahayd farriin la inoo soo diray! Gebi’dhaclaynta bulshada iyo isku xidhnaan la’aanta aqoonyahanka ayay in la seexday moodeen! “Ma dheeldheelligaygay, inaan dhacayo moodeen!” baa nin abwaana laga hayey.
FIIRO GAAR AH: Tuducyada aan ka soo qaatay gabayga ‘Qaasin’, sida ay u yaallaan ma wada aha sidii ay iskugu xigeen markay gabayga ku jireen ee intii aan u dan lahaa baan isla soo doontay.
Cabdiraxmaan Mowliid Cali “Shandaqiiqo”