Maalmahan warbaahintu waxa ay aad u hadal haysay “Ciidanka Badbaadinta Rohingya ee Arakan” oo ka dhaqdhaqaaqa gobolka Rakhine ee woqooyiga Myanmar.
Ciidankaas oo ku dhawaaqay in uu u dagaalamayo difaaca dadka laga tirada badanyahay ee Muslimiinta Rohingya , qoomiyaddaas oo dawladdaasi u aragto in ay yihiin dad sifo sharci darro ah kaga soo haajiray dalka Bangladesh.
Hogaamiyaha kooxdaas Cadallah ayaa mar mar soo dirayey fariimo muuqaal ah oo uu ku soo bandhigayo mawqifka kooxdiisu ka taagan tahay waxa ka socda gobolka Rakhine. Hadaba waa kuma Cadallah?
Sida ay sheegtay hay’adda la socodka xiisadaha dunida ee (International Crisis Group) Cadallah Abu Camaar Junuuni wuxu ku dhashay gobolka Kashmiir ee Pakistan, halkaas oo labadiisa waalid oo ah qoomiyadda Rohingya ay u guureen beri hore, waxaa qoyskoodu u guuray hadana dalka Sucuudiga isaga oo sagaal jir ah, halkaas ayaanu ku barbaaray. Waraysi uu khadka Skype-ka ku siiyey wakaaladda wararka ee Reuters bishii Maarij, balse aan la sheegin goobta uu markaa ku sugnaa, ayuu Cadallah ku sheegay in ururkiisu wadi doono dagaalka ay ku jiraan xataa hadii milyan qof kaga dhimanayaan ilaa iyo inta ay hogaamiyaha wadankaas ee Aung San Su Kyi qaadayso talaabo lagu sugayo nabadgelyada iyo ilaalinta qoomiyadda Rohingya.
Xukuumadda Myanmar ayaa se u aragta Ciidanka Badbaadinta Rohingya ee Arakan in uu yahay urur argagixiso.
Xuquuqda Rohingya
Cadallah wuxu waraysigaa ku beeniyey in ay wax xidhiidha la leeyihiin Islaamiyiin ajaanib ah, waxaanu sheegay in ururkiisu xoogga saarayo xuquuqda qoomiyadda Rohingya oo takoor ba’an ay ku hayaan aqlabiyada Buudiyiinta ah ee Myanmar.
Waxaanu ku nuuxnuuxsaday oo yidhi “hadii aanu heli wayno xuquuqdayada, oo ay dantu nagu kallifto in nus malyuun ama malyuun qof u dhimanayaan, ama Rohingya oo dhami waanu u dhiman xuquuqdayada dagaalka aanu kula jirno dawladda milatariga ah ee nagu amar ku taaglaynaysana joojin mayno”.
Cadallah waxa kale oo uu yidhi ” dadkayagu habeenkii dab ma shidan karaan, maalintiina nabad kuma socon karaan, meel kasta bar kaantarool baa laga dhigay sidaasina maaha nolol aadame ku noolaan karo”
Weerarro lagu qaaday saldhigyo booliska Myanmar leeyahay bishii Ogost oo ururkiisu fuliyey ayaa sababay duruufta adag ee bani’aadannimo ee keentay in tobanaan kun oo Rohingya ah oo ka cararaya hawlgallada nabad gelyada ee weeraradaa ka dib ciidanku qaadeen ay u qaxaan Bangladesh.
Warbixino ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ciidamada nabadgelyada Myanmar ay falal dilal wadareed ah iyo kufsi kula kaceen dadka Rohingya intii ay wadeen hawgallada ay fallaagada kaga hortagayaan, gabood falladaas oo heerkoodu gaadhayo dambiyo bani’aadannimada laga galay. Hase ahaatee ciidanka Myanmar ayaa eedaymahaas beeniyey waxaanu sheegay in ay fulinayaan hawlgalo sharci ah oo ka dhan ah fallaagada.
In ka badan hal milyan oo Muslimiinta Rohingya ah ayaa ku nool gobolka Rakhine ee woqooyi galbeed ee Myanmar, laakiin waxa laga xaarantimeeyey dhalashada dalkaas iyo in ay si xor ah ugu kala safraan gobolkaas. Waxa sidoo kale laga qadiyey adeegyada bulsho ee ay ka midka yahay caafimaadku.