“Maadaama Aan Ahay Odaygii Guud Ee Beesha Waxaa Igu Waajib Ah Inaan Soo Farageliyo Darafyada Ku Baaqay Labada Shir ee Is Khilaafsan”

0
77

Boqor Buur-madow Oo Soo Faro-geliyey Yooyootan Ay Warbaahinta Isu Mariyeen Darafyo Isku Khilaafsan Qaban-qaabada Shir Dhaqan Oo Ay Isugu Yimaadaan Beeshiisu

Buur Madow

Addis Ababa (Hubaal) – Boqor Cismaan Aw MAxamuud (Buur-madow) oo kamid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland, gaar ahaanna gobollada Togdheer, Sanaag iyo Saraar ayaa ka hadlay sida uu u arko shir beelleed ay laba daraf oo ka tirsan beesha Biciido [Habar-jeclo] siyaabo kaladuwan ugu dhawaaqeen in ay qabanayaan, kuwaas oo madax-dhaqameedyo iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beeshaasi ay laba muddo oo kala duwan u cayimeen qabsoomidiisa.

Boqor Buur-madow oo isaga oo wadanka dibadiisa ku maqan xalay ka hadlay aragtidiisa ku xidhiidhsan shirarkan labada ah ayaa qoraal wargelin ah oo uu cawayskii xalay ku daabacay bartiisa degelka Facebook waxaa uu kaga digay cidhib xumada ka dhalan karta yooyootan warbaahinta ay isu mariyaan labada dhinac ee shirka qaban-qaabadiisa iclaamiyey waxaanu sheegay in maadaama uu yahay odaygii guud ee beesha ay khasab noqotay in uu arrintan soo faro geliyo isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in meel lagaga dhaco dhaqankii ay kusoo caano maashay beeshu.

Qoraalka Boqor Buurmadow oo uu cinwaan uga dhigay [WARGELIN] ku socota dhammaan cidda ay khusayso qaddiyada shirka beellaha Biciido waxaa uu sheegay in uu soo gaabinayo safar caafimaad oo uu dibada u joogo isla markaana maalmaha soo socda uu dalka ku soo laabanayo si buu yidhi shir loo dhan yahay oo xataa darafyada kala hoggaaminaya labada shir ee la iclaamiyey ka qayb galayaan la isugu imanayo.

“Waxaa beryahan warbaahinta Lagu arkaayey laba shir oo ay ku baaqayeen waayeelka iyo madaxdhaqameedka beellaha Biciide iyagoo so okala saaray laba muddo oo is khilaafsan”, sidaas ayuu Mr. Buur-madow ku yidhi qoraalkiisa wargelinta ah ee uu xalay soo saaray, waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo aan arkaayey dhaliyaro iyo haween ka hadlay iyaguna warbaahinta madaxa banaan taas oo aanay beeshu dhaqan u lahayn, aad iyo aad baan uga xumahay inay dhacdo. Sidaas awgeed maadaama aan ahay odaygii guud ee beesha waxaa igu waajib ah inaan soo farageliyo, waxaanan go’aan ku gaadhay inaan soo gaabiyo safarkaygii debeda oo aan u joogay hawlo caafimaad. Insha allaah waxaan muddo  saddex beri [maalmood] gudahood ku ah aan doonayaa inaan dib ugu noqdo dalka gudihiisa, annagoo qabsan doona shir loo dhan yahay”. Ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow). Waxaana gebogabadii qoraalkiisa uu farriin ogaysiis ah u diray dafaryada kala hoggaaminaya labada shir, “Waxaan ogaysiiyey darafyadii kala waday Labadaas shir, waxaan kale oo ku wargeliyey in lajoojiyo in dib looga hadlo warbaahinta Si loogu dhawaaqo wax lagu midaysanyahay oo dhakhso ah insha allaah. guul iyo gobanimo, Wabilaahi tawfiiq”. Ayuu boqorku hadalkiisa kus oo gebogabeeyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here