“Halkii Aad Eryan Lahayd Qof Musuq Sameeyey, Waxa Wanaagsan In Aad Qofka Ku Tababarto Maamulka Wanaagsan, Taas Ayaanu Ku Dedaali Doonaa Muddada Aanu Joogno Oo Ah Afar Sannadood Oo Ka Soo Bilaabmaysa”
“Waxaanu Hawl Aanu Sii Wadi Doono Oo Illaa Xukuumadda Cusub Aanu Kala Shaqayn Doono” – Farriinta Uu Xambaarsan Yahay Dhawaaq Fullintiisa Loo Wada-joogo Oo Kasoo Yeedhay Komishanka MW&LM
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye ku-xigeenka guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, Mukhtaar Yaasiin Xaaji Cali Shire, ayaa sheegay in ay diwaan-geliyeen dhammaan hantida qaranka ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan ee dawladda, xogtaasina ay ku wareejin doonaan xukuumadda cusub ee timaadda. Mr. Mukhtaar waxa kale oo uu sheegay in ay ku hawlan yihiin, kana shaqaynayaan sidii loo ilaalin lahaa hantida qaranaka, muddada kala guurka ah ee lagu guddo jiro qabanqaabada qabashada doorashada madaxtooyada Somaliland ee fooda inagu soo haysa.
“Xilkan waxaanu haynay aniga iyo guddoomiyuhu ilaa bishii shanaad ee sannadkan, muddadaa waxaanu qabanay wax badan oo aan la qaban muddadii todabada sannadood ahaynd ee la soo dhaafay, waxa ka mid ah in aanu baadhno habka maamul ee wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda, shaqaalaha tababarkooda, qalabaynta xafiisyada iyo waxyaabaha ay u baahan yahiin, tobon wasaaradood oo dalka ah ayaanu baadhnay, gobolada waawayn ee dalka afar ka mid ah waanu marnay,” ayuu yidhi Mukhtaar Yaasin Guddoomiye ku-xigeenka guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa . Mukhtaar waxa uu xusay muddadii ay ku gudo jireen baadhista maamul wanaaga wasaaraddaha iyo ha’yaddaha dawladda in ay saxeen, isla markaana la hagaajiyay waxyaabo badan oo khaladanaa, kadib markii ay isla garwaaqsadeen guddida iyo wasiiraddii ay khusaysay, waxaanu yidhi “muddadii aanu ku gudo-jirnay baadhitaanka wasaaradaha, waxa jiray, waxyaabo badan oo aanu saxnay oo khaldanaa, kadib markii aanu isla garanay anaga iyo wasiiraddii wasaaradahaasii joogay.” Guddoomiye ku xigeenku waxa uu sheegay in ay diwaangeliyeen hantida wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee dawladda, waxaanu yidhi “Waxaanu diwaangelinay dhamaan hantidda wasaaraddaha iyo hay’addaha madaxa bannaan ee dawladda, ilaa gaadhi ilaa iyo Kaambiyuutar, si aanu xukuumadda cusub ee iman doonta ugu diyaarino qaabkii ay ula wareegi lahayd, waxa kale oo ku jira ilaalinta hantida qaranka, maadaama lagu jiro xili kala guur ah, waa hawl aanu bilawnay ilaa bishii shanaad, waana hawl aanu sii wadi doono, xukuumadda cusub ee timaadana aanu kala shaqayn doono, sidii maamul hufani u dhici lahaa, sababta oo ah shaqadayada ayaa ah maamul wanaag, wax baddana waanu ka qabanay.” Mukhtaar waxa uu tilmaamay faa’iidada ay qaranak u leedahay diwaangelinta hantida wasaaraddaha iyo hay’addaha qaranka, waxaanu yidhi “Liiska aanu diwaangelinay ee hantida wasaaraduhu, waxay faaa’iido u tahay qaranka, tusaale ahaan marka wasiir xilka ka tago ee uu xilka ku wareejinayo wasiir cusub, annagu (Guddida Maamul-wanaaga) goob joog ayaanu ahaanaynaa, waxaanu hubinaynaa hantida uu wareejinayaa in ay waafaqdo ta anaga noo diwaan gashan, taasina waxay ilaalinaysaa hantida qaranka.” Guddoomiyuhu waxa uu sharaxay waxa ay ku kala duwan yihiin maamul wanaaga iyo musuqmaasuqu, waxaanu yidhi “Had iyo jeer dadku waxay yidhaahdaan maamul wanaaga iyo musuqmaasuqu maxay kala yidhiin, waa laba qodob oo isku xidhan, maamulku marka uu wanaagsanaado musuqa ayaa yaraada, halkii aad eryan lahayd qof baa musuq qaatay, waxa wanaagsan in aad seeska ka soo bilawdid oo aad qofka ku tababarto maamulka wanaagsan, taas ayaanu ku dedaalnay oo aanu hore u soo samaynay iminkana aanu ku sii dedaali doonaa muddada aanu joogno oo ah afar sannadood oo ka soo bilaabmaysa bishii shanaad ee sannadkan.” Mukhtaar Yaasiin waxa uu faahfaahiyay qaab dhismeedka guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaanu yidhi “Guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqu waxa uu ka kooban yahay shan xubnood, shantaas xubnood ayaa iska soo dhex doorta guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.” Guddoomiye ku xigeenku waxa uu ugu baaqay masuuliyiinta qaranka Somaliland, in la tixgeliyo wareegtadii madaxweynaha ee ku saabsanayd ilaalinta hantida qaranka, waxaanu yidhi “Waxaanu ku boorrinaynaa masuuliyiinta dawladda in la tixgeliyo wareegtadii madaxweynaha, in la qiimeeyo aragtida ah, in la kala saaro hantida qaranka iyo xisbinimada, qofku xor buu u yahay xisbiga uu doono in uu taageero, laakiin waxa waajib ah in la kala saaro qarrannimada Somaliland iyo xisbiyada.”