“ Dadka Somaliland Waxay Ka Dhergi Doonaan 50% Gaadiidka Dekedda Ka Soo Itoobiya Waxay La Soo Dagayso”
Cabdiraxmaan M. Caydiid – Maayarka Caasimadda Hargeysa
Hargeysa, Somaliland, (Hubaal) – Maayarka caasimadda ee Hargeysa, Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa sheegay in heshiishka DP World ee madaxweyne Siilanyo heshiishka la gallay tahay heshiihskii ugu balaadhnaa ee Somaliland intii ay jirtay cid la gasho, isago ku hambalyeeyey madaxweynaha Somaliland iyo weftiga la socday Sidoo kale, waxa uu ka hadlay olole balaadhan oo kor u qaadidda bilicda ah inay maalinta Isniinta ee Barri ah laga samayn doonno caasimadda Hargeysa. Waxa kale oo uu Maayarku dadweynaha ku booriyey inay si qurux badan u xusaan maalinta qaranimadda Somaliland oo rubuc qarni ka so wareegtay, isagoo ganacsatadda ugu baaqay in calamadda iyo astaamaha qaranimadda muujinaya ku sharaxaan meheradahooga. Ugu horen, Maayarka oo ka hadlaya heshiishka Somaliland la gashay imaaraadka Carabta ee xaga horumarinta dekadda Berbera waxa uu yidhi “haddii aanu nahay dawladda hoose ee Hargeysa waxaan madaxweynaha u hambalyeynayaa heshiishka uu la soo galaly DP world, waxa kale oo aanu u hambalyeynayaa magaaladda Berbera ee horumarka dhawrka nooc leh oo loo waddo, hadday dekada tahay, haddii ay hoteelka tahay iyo hadii ay baanka tahayba, madaxweynaha iyo weftiga la socdana waxaan leeyahay shan iyo labaatanka sanno waa heshiishkii ugu taaariikhaysana ee abid ay Somaliland gasho, hambalyo weyna waanu u dirayna hadii aanu nahay dawlada hoose iyo dhamaan golaha deegaanka caasimada, haddii magaalo horumar usoo kordho inta kale ee Somaliland way la qabtaa, dadka Somaliland waxay ka dhargi doonaan 50% gaadiidka Itoobiya waxay la soo dagayso ee dekadda soo maraya,” Maayarka Caasimaddu ayaa sheegay in maalinta Barri ee isniinta olole balaadhan oo lagu nadiifinayo magaaladda la samayn doono, waxaanu yidhi “maadaama oo barri (Maanta) uu madaxweynuhu imanayo ololihii dibaynu u dhignay, waxaynu ka dhignay lix iyo tobanka bishan maalinta isniinta, waa olole qaran oo guddida bilicda ee caasimaddu hogaaminayaan, waana ololaha aynu ugu diyaar garoobayno 18 may”. Sidoo kale, Maayarku waxa uu ganacstadda iyo dadweynaha ugu baaqay inay guryaha iyo meheradaha ku xardhaan calammadda iyo astaamaha qaranimadda Somaliland, waxaanu yidhi“Dadweynaha sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen waan ku hambalyeynayaa gaar ahaa suuqyada iyo ganacstada qaar ay ku dhajisteen calamaddiii, kuwo aan weli ku xidhinna waxaan leeyahay dadkiina soo gaadha,maanta way ka duwan tahay xusaskii hore ee 18 may, waa rubuc qarni wuuna ka weynaanayaa xusaskii hore, inagoo gacana ku xusayna ayeynu gacana amnigeena ku ilaashanaynaa”