“Maaha In Qofka Lagu Dhalleeceeyo Hebel Waa Askari Ee Waxa Uu Mudan Yahay In Aynu U Sujuudno”

0
40

 “Muuse Askari Wuu Ahaa, Haddii Aan Isaga Iyo Qeyrkii Duurka U Gelinna Maanta Somaliland Maynaan Ka Hadalneen”- Ilhaan Maxamed Jaamac

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirkii hore ee wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac ayaa ka hadashay warar muddooyinkii u dembeeyey laysla dhex marayay oo sheegayay in shirka xisbiga KULMIYE uu dib u dhac ku imanayo. Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac Oo kamid ah golaha dhexe ee KULMIYE ayaa mar ay Shalay U Warrantay Bulsho TV waxaa ka hadashay arrimo ay kamid yihiin wasiirrada is casilay iyo aragtideeda shirka golaha dhexe. ilhaan maxamed jaamacUgu horeyn mar ay jawaabtay suaal laga weydiiyey qabsoomida shirka kulmiye waxaa ay sheegtay in aanay aaminsanayn in uu dib u dhac ku imanayo qabsoomidiisa, “anigu shakhsi ahaan ma aaminsani in uu dib u dhacayo waayo sababo uu dib ugu dhacaa ma jiraan oo xubnihii golaha dhexe way joogaan, qabanqaabadiisiii meel fiican bay maraysaa, wax duruuf ah oo xisbiga ku xeeranina ma jiraan” sidaa ayay tidhi marwo Ilhaan waxa ay tidhi “waxaan qabaa in aqlabiyada golaha uu guddoomiyaha xisbigu Muuse Biixi Kaahin haysto, sababo jira dartood kuwaas oo ay kamid yihiin in uu yahay guddoomiyihii xisbiga oo muddo badan dhismaha xisbiga iyo maraaxilkiisa kusoo jiray, waxaanan aaminsanahay in ay maanta tahaya fursadiisii oo u xaq u leeyahay in uu fursadaas ku tartamo…..Muuse Askari wuu ahaa, askarina waa kii wadankan badbaadiyey ee nabada aynu maanta ku joogno inoo soo dhiciyey, haddii aan isaga iyo kuwa qayrkiis ahaa duurka u gelin maanta Somaliland maynaan is weydiineen manaynaan ka hadalneen, qodobka labaadna waa maanta nabadgelyadaa aynu haysano ee aynu ku seexano ee aynu ku soo toosnana askar baa haysa, markaa Somaliland in lagu dhalleeceeyo hebel waa askari maaha ee in aynu u sujuudno weeyaan askarta oo aynu qiimaynayo, markaa in aynu ceebayno oo aynu dhalleecayno waxaan u arkaa inaanay sax ahayn” ayay hadalkeeda ku soo xidhay marwo Ilhaan maxamed Jaamac, wasiirkii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here