Sheekh Aadan Siiro Oo Ka Digay Booraan Qafilan Oo Calanka Buluugga Ahi U Qodayo Qarannimada Somaliland
“Qur’aanka Waxaa Ku Sugan Oo Illaahay Yidhi, Maalinta Qiyaame Kuwa Mujrimiinta Ah Nin Baa Hor Socda, Ninaasi Calan buu Sitaa [Midabkiisu yahay] Dark Blue…. Haddaan Calan Buluug Ah Intaan Soo Qaado Maaha In La Yidhaahdo Aw Xirsi Xornimadiisu Leeyahay”
Hargeysa (Hubaal)- “Walaalayaal dalka waa lagu bakhtiyayaa maanta oo kuwii beystayn-nada [tujaarta] haystay baa maanta loo taag la’ yahay oo is-haysta, oo dadkii inta ay kala qaybiyaan rabshaaya. Maaha In lacagta illaahay ku siiyey aad dadka u qaybiso oo aad doonto In dalka oo dhan kooto [Monopoly] lagaaga dhigo” sidaa waxaa yidhi Khadiibka Masjidul-Qubaa [Ex-Xawaadle] ee Magaalada Hargeysa Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro) oo khudbadii jimcaha ee maalintii shalay uu ka jeediyey masaajidkaasi kaga hadlay arrimo door ah oo ay qaarkood waqtigan ka taagan yihiin dalkan Somaliland. Sheekhu waxaa uu ka warramay anshaxa loo baahan yahay in lagu dabbaqo xoolaha iyo maalka Illaahay SWT ugu deeqay adoomihiisa, kuwaas oo uu sheegay in lagu imtixaamayo dadku sida ay u dhaqaan maalka Illaahay siiyay. Sheekh Aadan Siiro waxaa uu is dul taagay oo uu ku nuuxnuuxsaday sifooyinka qaldan ee ay diintu innaga xarrimayso in aynu u adeegsano nimcooyinka Illaahay innoogu deeqay, waxaana isaga oo ganacsatada iyo baayac-mushtarka reer Somaliland la hadlay uu yidhi Sheekhu “…[Maaha] inaad tidhaahdo aniga Dekedda I siiya, aniga Isgaadhsiinta ii xidh-dha, oo uu qorshahaagu noqdo wax walba ii xidha, taasna islaamku wuu la dagaalamay, wuu la dagaalamay Kootada [Monopoly], hanta-wadaaga [Capitalism] iyo danta gaarka ah [Intererst] oo aad tidhaahdo dhiigga kuwa bakhtiyaya aan ku noollaado”. “maaha inaad u tartanto oo aad ku xiiqdo oo naftu kaaga baxdo shanta shilin ee laga ururinayo dadkan aan waxba haysan ee aan jaamacad tayo leh haynin, ee aan waddo la taabto haynin, maaha inaad doonto in aad ku xisaabtanto waxa yar ee bulshadan soo gala 30% inaad ka hesho oo adiga, caruurtaada, ehelkaaga iyo inta kugu xeerani ku xisaabtanto wixii ku soo hagaagaya”.
Geesta kale waxaa uu Sheekh Aadan BAaq u diray Ganacsatada iyo dadka kale ee hayntoodu roon tahay, kuwaas oo uu sheegay in loo baahan yahay in aanay duudsiyin xuquuqda dadkooda masaakiinta ah balse taas beddelkeeda ay xil iska saaraan inay xaqa ilaaliyaan “Walaalayaal waxaas oo dhan yaa ilaalinaya, yaa ilaalinaya dadkan qaadaa ma dhergaha ah ee wixii yaraa ee ay helayeen aanu isu gaadhayn. Ka waxoogaaga haystoow haddii aad boqolaal kun iyo tobanaan kun oo aad meel dhigatay haddii ay jiraan, kuwan aan iyagu waxba haysan ee iyagu aroortii intay kallahaan wixii alle u soo dhiibo caruuraha kula soo noqonaya , maaha in lays dulmiyo. Illaahay waxaa uu innoogu dembi dhaafayaa markaynu aragno in wixii nabad gelyada khalkhal gelinaya aynu kaadhka cas [red Card] u taagno oo aynu meel uga soo wada jeedsano, cidii uu doono ha noqdee kii wax khaldaya inaynu meel uga soo wada jeedsanno weeye. Waxaanan idin leeyahay Somaliland gor-gortan ma gelin karo qof kasta oo awood kasta leh ama magac kasta leh ama bulshada acyaanteeda ka mid ah, ama nooc kasta ha ahaadee”.
Gebo-gabadii Sheekhu waxaa uu khudbaddiisa kusoo khatimay baaq uu bulshada ugaga digayo in gooni isu taagga iyo madax banaannida Somaliland ay si sibiq ah meesha uga baxdo, isla markaana ay qarannimadu ku dhacdo haadaan afka ka qafilan oo Soomaali weyn hoosta ka qodayso. Si gaar ah waxaa uu Sheekhu fasiraad ka bixiyey cidhib-xumada uu Calanka buluuga ahi u horseedi karo Somaliland, isaga oo hadalkiisu nuxur ahaan daba socday xiisaddii dhawaan mashquulisay ra’yul caamka bulshada ee ku saabsanayd tallaabadii ay fannaaniinta xidigaha geesku kaga degeen xamar ee soo noqoshadoodu xadhiga Sababtay “Haddaan calan buluug ah intaan soo qaado aan masaajidka ka taago maaha in la yidhaahdo wadaadkii Aw Xirsi ahaa ee masaajidku xornimadiisu leeyahay, oo Xirsi kale uu sahan-dembe bakhaarkiisa dhakadiisa ka taago calankii buluuga ahaa, ka warrama haddii kaasna la yidhaahdo xornimadiisa ayuu leeyahay?”. Sidaa ayuu Sheekhu yidhi, waxaana uu intaa ku daray “Waxaan idiin sheegayaa Buluuga madawi [Dark Blue] waxa uu yahay. Qur’aanka waxaa ku sugan oo Illaahay yidhi kuwa mujrimiinta ah maxaa qiyaamaha lagu yaqaannaa?, waxaa lagu yaqaannaa Mujrimiinta nin baa hor socda, ninkaasi calan buu sitaa, calankaasi waa Dark Blue. Taas kasokow bal waxaad baadhaan oo aad internet-ka ka raadisaan cidda ka barakaysata Midabka Buluugga madaw ah, waxaad eegtaan munaasibadaha iyo xafladaha ay yeeshaan Maraykanka iyo yuhuuddu. Calanka maraykanka iyo calanka Israa’iil waxaa ku jira dark Blue. Munaasibad kasta oo ay diin ku xusayaan ama muslimiinta ku leynayaan waxaa ku jira midabkaas. Waayo taas waxaa la mid ah sida ay innoogu yidhaahdeen lambarka saddex iyo tobnaad [No. 13] waa lambarka nasiib darrada [Unlucky Number]. Markaad tiriso magacyada [ereyada], lambar saddex iyo toban waxa uu ku beegan yahay ereyga [M] oo ah magaca nebigeennii NNKH ereyga uu ka bilaabmo. Markaa walaalayaal aynu is ilaalino, allena aynu dembi dhaaf weydiisanno SW.”